Dallada isu taga Imaamyada iyo masaajidada Waqooyi Ameerika ayaa kulankooda sanadlaha ahaa waxa uu ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 100 Imaam oo ka kala yimid guud ahaan gobolada Dalka Mareykanka iyo marti sharaf kale oo iyana ka yimid wadanka Denmark ee Qaaradda Yurub.
Kulankani ayaa sidoo kale loo doortay hogaan cusub iyo gollo marjac kuwaasi oo badali doono maamumlkii hore oo uu madax u ahaa Sheekh Abuu Fadli waxana hada la doortay Sheekh Xasan Jaamac. Oo ku magacdheer Sheekh Xasan Dhooye.
Qaar ka mid ah Culumada oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday sanadihii ay shaqeynayeen iyo manta xaalka meesha uu marayo iyagoo sheegay in hadda ay ka kooban yihiin 28 Masjid oo ku midaysan Daladani.
Sheekh Maxamed Idiris Axmed oo ka mid ah culumada ugu tunka weyn Soomaalida isla markaana ah aas aasaha Daladani hadana ka ah la taliyaha guud ee isu taga Imaamyada Waqooyi Ameerica ayaa sheegay in kulankani uu ahaa kii 24aad ee sanad walba dhaca isla markaana looga tashto sidii loo hormarin lahaa dacwada iyadoo la midaysan yahay.
Sheekh Xasan Dooye oo madax ka ah Daladda isu taga imaamyada oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ku dadaali doono mideynta Masaajidada iyo Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hormarka diinta islaamka taasi oo baahi badan ka jirtay Wadamada Qurbaha.
Madaxii hore ee isu taga Culumada Dalladda Cumulada Soomaaliyeed Sheekh Abuu Fadli oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in uu ku faraxsan yahay xilka uu maanta wareejiyey isla markaana uu meel wanaagsan uu soo gaarsiiyey hey’adani isagoo sheegay in uu hadana diyaar u yahay in sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.
Libaan Xuseen.
Warbaahinta Qaranka.
Minneapolis, USA