Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka iyo wafdi la socda oo gaaray magaalada Marka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 29, 2015
in Wararka
0
Guddiga difaaca ee Baarlamaaanka oo su’aallo weydiiyay taliska AMISOM oo tacayadiyo lagu eedeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan maamulka iyo qeybaha bulshada ee Marka ku nool.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in u jeedada socdaalkooda la xiriirto sidii ay ugu kuurgali lahayeen dhacdo dhawaan halkaasi ka dhacday oo ahayd fal dil ah oo lagu soo eedeeyay cidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo ahaa inay dileen dad xaflad aroos ah ku sugnaa.’

Related posts

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025

“Shirkii Guddiga difaaca baarlamaanka uu la galay Midowga Afrika iyo AMISOM ayaa ahaa in aan kormeer ku sameyno goobaha ay howlgallada ka sameeyeen, waxa ay qeyb ka tahay gudashada waajibaadka guddiga difaaca loo idmaday, marka nasiib wanaag waxaa socdaalka igu wehliya Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, marka waxaan ka bilaabaynaa inaan ogaano sidii ay u dhacday falkii lagu dilay dad rayid ah oo Marka ku sugnaa” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab.

Xildhibaanka ayaa xusay inta ay socdaalka ku joogaan ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan qeybaha bulshada, iyadoo la filayo in wafdi ka socda Midowga Afrika ay gaaraan Marka.

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha oo u amba baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo kormeer ku tegay deegaanka Godod “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo kormeer ku tegay deegaanka Godod “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo kormeer ku tegay deegaanka Godod “SAWIRRO”

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In