Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

August  31, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar ku qaadanayay muddo dhawr bilood ah.

Ciidankaan ayaa isagu jira Booliska Dableeyda iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana sidoo kale munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka qayb kamid ah bixinayay.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa la hadlay Ciidanka Booliska Dableyda ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daarmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, wuxuna tilmaamay in  Booliska Dableey  ay yihiin Ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Soomaaliya uga imaanaya Caalamka  iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay inaan dhisno ciidan leh muuqaal qaran, kana go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah dawladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa beesha Caalamka inay soo xirto tababarkaan oo soconayey mudo afar bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo soo celiya sharaftii iyo kala danbeyntii Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini  ayaa ku bogaadiyey saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna tilmamay in saraakiishan saldhiga u yihiin aas-aaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

“Waxaan u mahad-celiyaan cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo, in aad ku soo biirtaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay tilmaam cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno ciidan leh tayo iyo tababar ku filan. Maanta laga bilaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana in ay idinka muuqataa masuuliyadaas idin saaran” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiir Diini ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u hoggaamiyaan qeybaha lagu qoray  , isagoo xusay sidoo kale in  looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah. Saraakiisha Tababarka dhamaystay ayaa lagu hor dhaariyey Wasiirka Gaashaandhigga, waxuna isla goobta ugu xiray min labo xidiggood.

—DHAMMAAD–

?????????????
?????????????
?????????????
?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????
?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

Previous Post

Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka “Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka “Sawirro”

Ra'iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka "Sawirro"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In