Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Nabad sugidda oo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qab qabteen maleeshiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay falal dil ah ka geysteen gudaha caasimadda.

Maleeshiyaadka la soo qabtay oo gaaraya ilaa iyo shan ruux ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta Nabad sugidda gobolka Banaadir, halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo la xiriira waxyaabaha lagu tuhmayo.

Maxamed Cabdullaahi Amiin ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadka la soo qabtay kaasi oo lagu eedeynayo in uu ka dambeeyay dil 15-kii August ee sanadkan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Raxmo Maxamed Cabdiqaadir oo ka tirsaneyd shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen xilli uu ka yimid degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose

Cali Cabdullaahi Shuuriye oo isna ka mid ah kuwii la soo bandhigay ayaa sheegay in uu kooxda UGUS u qaabilsanaa dhanka miinooyinka baabuurta dadka loogu dhejiyo.

Maxamed Axmed Xuseen (Macalin Boode-boode) oo horey uga tirsanaa maleeshiyaadkii Xbsibul Islaam ee markii dambe ku biiray kooxda Shabaab, waxaana loo heysta dilka Marxuum Saciido oo dhawaan lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Qaasim ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab uu ku biiray 209-kii isla markaana uu ka mid ahaa koox maleeshiyaadka Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaaleysan jirtay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/09/WAR-ORANGE-UGUS.mp3

 

Previous Post

Xarun cusub oo laga dhisayo taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay

Next Post
Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay

Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In