Monday, August 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay shahaado casri ah oo dugsiga sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 13, 2015
in Wararka
0
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay shahaada cusub oo dugsi sare ah, taas oo oo noqon doonto tii rasmiga ahayd oo ay Wasaaraddu isticmaali doonto.

Kulank ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ee xukuumadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Wasiiru-dowlaha, Wasiir ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay shahaadada dugsiga sare oo naqshad loo sameeyay, kaasi oo laga aqoonsanyahay caalamka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa bogaadin u jeediyay ardayda ka qeyb qaatay imtixaankii mideysnaa oo ay Wasaaradda ka hirgelisay bartamaha iyo koonfurta dalka, iyagoo waalidiinta kale ka codsaday in carruurtooda aysan u sameyn shahaado been abuur ah oo aan adduunka laga aqoonsaneyn, Wasaaradduna ay ka soo horjeeddo mid ka baxsan tan ay maanta soo bandhigeen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Qadro Bashiir Cali ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay inay soo saarto shahaado casri ah oo dhanka dugsiyada sare, taasi oo meesha ka saaray in lagu hungoobo kuwa been abuurka ah oo ay sheegtay in meelo badan dunida ka mid ah laga diiday.

“Marki aan ogaanay baahida jirta in la helo shahaado tayadeedu sareyso, oo laga hortago mid been abuur ah, runtii Wasaaraddu juhdi ayay ku bixiyeen, waxaana isku raacnay in aan soo saarno shahaado cusub oo ka duwan kuwii hore oo ah mid aan la been abuuri Karin” ayay tiri Wasiirka Waxbarashada.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In