Munaasabadan oo ay ku soo bandhigayeen ardayda wax ka barata Jaamacadda Plasma, isla markaana loogu dabaaldagayay sanadguuradii ka soo waregatay markii la aas aasay Jaamacadaasi ayaa manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka Jaamacadda Plasma, ardayda dhigata Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay munaasabada.
Waxaana ardayda kuliyadaha kaladuwan ee jaamacada ay goobta ku soo bandhigeen raashiinka dalka noocyadiisa kala duwan iyadoo kuliyad kasta ay si gaar ah u soo bandhigeen waxqabadkeeda sida tecnoolajiyada,caafimaadka iyo dhamaan wax qabadka Jaamacadda Plasma.
Gudoomiyaha Jaamacada Plasma Prof Xasan Maxamed (Xasan-kaafi) oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in bandhigan uu yahay mid ardayda ay ku soo bandhigayeen waxyaabaha ka soo go’a dalkeena iyo kuwa kale oo ay Soomaalidu caado ahaan u isticmaali jireen.
Muddooyinkan ayaa waxaa sii kordhayay jaamacadaha sida garka ah loo leeyahay oo ay ka soo qalin jabinayem arday aad u fara badan taasoo muujineysa horumarka ay ku tilaabsanayaan bahda waxbarashada.
Sawir Qaade: Farxaan Saleebaan Daahir