Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta cuntada Adduunka ee 16-ka October oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Cuntada oo ku beegneed 16-ka October isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiirkii hore ee Beeraha Cabdi Axmed Baafo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhamaan Mas’uuliyiintii Munaasbadda ka hadlay ayaa waxa ay soo jeediyeen in la horumariyo Beeraleyda Somaaliyeed si dalka uu u gaaro isku filnaasho dhanka wax soo saarka ah.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Xukuumada Somaaliya Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay waxsoo saarka beeraha ayaa sheegay in hay’adda cunada iyo beeraha u qabailsan Qaramada Midoobay ee FAO ay kula heshiiyeen inay beeraleyda Somaaliyeed ka iibsato raashinka gargaarka ah ee dadka loo qeybinayo oo markii hore Dibadda laga keeni jiray.

Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo oo munaasabadda ka hadlayay ayaa ku taliyay in la helo maalgalin dhinaca beeraha ah si loo horumariyo tacabka beeraha iyo beeraleyda Somaaliyeed, taasi oo horseedi karta in lagu tartamo wax soo saarka nuucyada kala duwan ee dalaga beeraha.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ugu baaqay Hay’adda Cunada iyo Beeraha u qabailsan Qaramada Midoobay ee FAO inay caawiso beeraleyda Somaaliyeed oo ay ka gacansiiso inay soo saraan dalag fara badan, taasi oo uu Wasiirku tilmaamay inay sare u qaadeyso wax soo saarka dalka.

Gabagabadii Munaasbadda lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Cuntada ayaa Wasaaradda Beeraha waxa ay u qeybisay dadkii munaasbadda kasoo qeybgalay inkabadan 10,000 –(Toban kun) oo dhir ah oo loogu talagay in qof kasta uu guriigisa ku beero dhirta.

Previous Post

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”

Next Post

Wasiirka amniga oo Imaaraadka Carabta ka guddoomay doonyo dheereeya

Next Post

Wasiirka amniga oo Imaaraadka Carabta ka guddoomay doonyo dheereeya

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In