Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo gudagalay wax ka badalka sharciga maalgeshiga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee ay Xildhibaannadu ku gudagaleen wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye waxaa Golaha dib ugu soo celiyey Guddiga Dhaqaallaha, Warshadaha iyo Ganacsiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo iyagu sharcigan kasoo shaqeeyey, guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo Mudaneyaasha ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dhaqaallah dalka.

Xoghayaha guddiga Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen (Coonka) oo Xildhibaannada ka hor akhriyey wax ka bedelka sharcigan Maalgashiga Shisheeye ayaa qeexay sharcigan qodobbada uu ka kooban yahay iyo fursada maalgashi ee uu dalka u yeelan karo.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

March 9, 2026
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii tilmaamay in sharcigan oo ka mid ah sharciyada muhiimadda u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana baahan yahay Xildhibaannadu iney soo akhristaan si loo gudagalo ka doodistiisa.

Sharciga maalgashiga shisheeye ee hadda Baarlamaanka u maraya marxalad ahaan akhrinta 2aad ayaa soo maray marxalado kala duwan, ayadoo sharciganna Baarlamaanka markii ugu horeysay la keenay 12kii June sanadkii 2013, balse ay dib ula laabteen golaha Wasiirada, waxaase dib hada loosoo celiyey 23kii June eee sanadkan 2015 sida ay guddoonka Golaha Shacabku qorsheeyeenna, waxaa sharcigan uu ku jiri doonaa sharuucda hortebinta leh ee la doonayo in la meel mariyo inta lagu guda jiro Kalfadhigan 7aad.

Previous Post

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray India “SAWIRRO”

Next Post

In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

Next Post
In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku soo gunaanudday bandhigga...

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026
0

  \ Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

March 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XUkuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim...

FARRIINTA MADAXWEYNAHA JFS EE MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

FARRIINTA MADAXWEYNAHA JFS EE MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

March 8, 2026
0

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, taas oo ku aaddan munaasabadda Maalinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In