Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Mudnae Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaaa maanta furay shir looga tashanayo in gobolada dalka la gaarsiiyo Nidaamka Federaalka ah, kaaasi oo ay ka qayb galeen Wasiirada arrimaha gudaha mamulada Puntland, Koonfurgalbeed, Jubbaland, Galmudug iyo masโuuliyiin ka socday maamulada Hiraan Shabeelaha Dhexe iyo gobolka banaadir
Mudane Cabdiraxmaan Odowaa oo furay shirka ayaa sheegay in inta uu socda looga hadli doono arrimo ay ka midyihiin sida wax loogu qaban karo dadka ku nool hareeraha Webiyada ee laga cabsi qabo inay fatahaad sameeyaan.
โShirka aan maanta halkaan ka furmay, waxa uu ku saabsanyahay sida la isaga kaashan lahaa hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, ka hadalka arrimaha sanadka 2016-ka iyo in aan ka wada hadalno sida la isaga kaashan karo arrimaha dabeylaha iyo roobka oo qaarkood gobollada dalka ka bilowday, waan soo dhaweyneynaa sida ay uga soo qeyb galeen shirkanโ ayuu yiri Wasiir Odowaa.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka jawaabay tabasho laga keenay guddi uu dhawaan u magacaabay inay noqdaan guddiga farsamada ee qaban qaabada maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
โWaxaan soo saaray wareegto lagu magacaabayo guddi farsamo oo ka shaqeyn doono maamul iu sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, sababaha guddigan aan 14-ka xubnood uga dhignay ay tahay, in la rabo ka hor in waqti sanadka 2016-ka horaanteeda la soo gabo gabeeyo, markii aan la tashtay Madaxda dalka iyo saxiisayaasha ayaa waxaan goโaan ku qaatay in laga dhigo dhamaan beelaha dega labada gobol ee maamulka loo dhisayoโ ayuu hadalkiisa ku daray.