Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eedeysanayaal u dhashay dalka Kenya oo maxkamadda gobolka banaadir la horgeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda gobolka banaadir ayaa maanta la horgeeyay eedesanayal ajaanib ah, kuwasoo lagu soo eedeyay in ay si sharci darro ah ay ku joogeen gudaha dalka, waxaana maxkamadda goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, saraakiil boolis iyo mas’uuliyin ka socotay safaaradda Kenya ay ku leedahay Soomaaliya.

Eedeeysanayashan oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 22, waxaana lagu soo oogay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalka.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Xasan oo dacwadda ku soo oogay dadkan ayaa sheegay in shaqaalahan ajaaniibta ah aysan heysan ruqsaddii shaqaalenimo.

“Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka waxa uu shirkadda Liber link ku eedeynayaa inay ku xad gudubtay qodobka 37 xarafkiisa (o) iyo qodobka 24 ee sharci shaqaalaha shisheeyee, sababtoo ah shirkadda waxa ay shaqaaleysiisay dad aan heysan ruqsadda shaqaalenimo isla markaana aan dalka si sharci ah ku joogin, maxkamaddana waxaan ka codsaneynaa inay kiiskaasi ku qaaddo eedeysanayaashan” ayuu yiri Maxamed Xasan

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa tilmaamay in kiiska eedeysanayaasha ka soo jeeda dalka Kenya laga dhigay maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 5ta bisha, maadaama Qareenkii u doodayay uu sidaasi codsaday.

“Waxaan ogolaanay in aan hal maalin dib u dhigno kiiskan, khamiista ayaana ka dhignay in dacwadooda la qaado” ayuu yiri Xaashi Cumar.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya oo booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo lacago u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaal Madiina

Next Post
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo lacago u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaal Madiina

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In