Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eedeysanayaal u dhashay dalka Kenya oo maxkamadda gobolka banaadir la horgeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 3, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda gobolka banaadir ayaa maanta la horgeeyay eedesanayal ajaanib ah, kuwasoo lagu soo eedeyay in ay si sharci darro ah ay ku joogeen gudaha dalka, waxaana maxkamadda goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, saraakiil boolis iyo mas’uuliyin ka socotay safaaradda Kenya ay ku leedahay Soomaaliya.

Eedeeysanayashan oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 22, waxaana lagu soo oogay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Xasan oo dacwadda ku soo oogay dadkan ayaa sheegay in shaqaalahan ajaaniibta ah aysan heysan ruqsaddii shaqaalenimo.

“Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka waxa uu shirkadda Liber link ku eedeynayaa inay ku xad gudubtay qodobka 37 xarafkiisa (o) iyo qodobka 24 ee sharci shaqaalaha shisheeyee, sababtoo ah shirkadda waxa ay shaqaaleysiisay dad aan heysan ruqsadda shaqaalenimo isla markaana aan dalka si sharci ah ku joogin, maxkamaddana waxaan ka codsaneynaa inay kiiskaasi ku qaaddo eedeysanayaashan” ayuu yiri Maxamed Xasan

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa tilmaamay in kiiska eedeysanayaasha ka soo jeeda dalka Kenya laga dhigay maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 5ta bisha, maadaama Qareenkii u doodayay uu sidaasi codsaday.

“Waxaan ogolaanay in aan hal maalin dib u dhigno kiiskan, khamiista ayaana ka dhignay in dacwadooda la qaado” ayuu yiri Xaashi Cumar.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya oo booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo lacago u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaal Madiina

Next Post
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo lacago u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaal Madiina

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In