Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Axmed Xasan Cawke -DHAGAYSO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 17, 2015
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee wariyaha caanka ah Axmed Xasan Cawke oo xalay ku geeriyooday magaalada Jig-jiga.

Wasiir Maareeye oo ku sugan dalka Kuwait, isla markaana la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee Marxuumka uu waxbadan u soo qabtay intii uu ku guda jiray mihnadda saxaafadda, waxaana uu ehelada, asaxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay geerida ku timid.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska waxaan tacsi u dirayaa wariyihii weynaa ee Soomaaliyeed oo taariikh fiican oo weyn ku leh Wasaaradda Warfaafinta Axmed Xasan Cowke, Alle ha u naxariisto qoyskiisa iyo ehelkiisana Samir iyo iimaan Alle haka siiyo”.ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Axmed Xasan Cowke waa (wuxuu ahaa) wariye weyn, barnaamij soo saare weyn, oo ummadda Soomaaliyeed ay aad u jecleyd, qaabka uu u gudbiyo xogaha iyo wararka uu ka gudbin jiray Raadiyo Muqdisho”

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ahayd ee ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, isagoo lagu xusuusto barnaamijyo iyo warar uu ka akhriyay Warbaahinta Qaranka, waxaana uu ka soo shaqeeyay hay’ado kale oo ay ka midyihiin BBC-da, Laanta afka Soomaaliga ee VOA iyo kuwa kale oo maxali ah.

Halkan ka dhageyso Tacsiyada Wasiirka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/11/WAREYSI-WASIIR-MAAREEYE.mp3

 

Previous Post

Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

Next Post

Yoonis Cali Nuur: 1973 ayaan ka shaqa billownay, aniga iyo Cawke Radio Muqdisho

Next Post
Yoonis Cali Nuur: 1973 ayaan ka shaqa billownay, aniga iyo Cawke Radio Muqdisho

Yoonis Cali Nuur: 1973 ayaan ka shaqa billownay, aniga iyo Cawke Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In