Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka kooban Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka saraakiil iyo Khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa booqasho  qaadatay labo maalin oo loogu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo Cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beled-Xaawo  waxay ku tageen degmooyinka Dooloow iyo Beled-xaawo.

Socdaalka kadib. Wafdiga ayaa soo saaray qodobadan:

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
  • 1.       In derbi la dhisay noo muuqan
  • 2.       In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay
  • 3.       In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
  • 4.       Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa socdaalka kadib uga mahadceliyey shacabka iyo dadweynaha Degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo isagoo ku ammaanay dareenkooda wadaninimo, isla markaana sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin  cid walba oo ku xad gudbaysa dalkeena.

“Waxaa si dhab ah kormeer buuxa ugu soo sameynay meelihii la inoogu sheegay in isbadal lagu sameeyey ee xadka labada dal, waxaan soo ogaanay xaqiiqada meesha taala inagoo runtii qaadanay feker fiican iyo aragti uruurin aan dib ugula noqonayno dawladda dhexe iyo cida ay quseyso”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho gelinkii danbe ee maanta, waxaana ay la qeybsan doonaan madaxda sare ee dalka wax walba oo ay ku soo arkeen deegaannadii ay booqdeen.

C360_2015-11-17-16-08-35-864 C360_2015-11-17-16-14-00-125 C360_2015-11-17-16-14-07-254 C360_2015-11-17-16-14-12-502 C360_2015-11-17-16-14-15-046 C360_2015-11-17-16-14-23-501 C360_2015-11-17-16-14-47-447 C360_2015-11-17-16-23-58-988 C360_2015-11-17-16-24-13-947 C360_2015-11-17-16-24-51-732 C360_2015-11-17-16-24-53-570 C360_2015-11-18-13-21-16-339  IMG_-67n8i IMG_8686  IMG_20417q IMG_-i0jm5p

01 1 2 6

Previous Post

Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo ka soo laabtay safarkii Sudan “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo ka soo laabtay safarkii Sudan “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo ka soo laabtay safarkii Sudan "SAWIRRO"

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In