Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka kooban Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka saraakiil iyo Khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa booqasho  qaadatay labo maalin oo loogu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo Cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beled-Xaawo  waxay ku tageen degmooyinka Dooloow iyo Beled-xaawo.

Socdaalka kadib. Wafdiga ayaa soo saaray qodobadan:

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
  • 1.       In derbi la dhisay noo muuqan
  • 2.       In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay
  • 3.       In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
  • 4.       Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa socdaalka kadib uga mahadceliyey shacabka iyo dadweynaha Degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo isagoo ku ammaanay dareenkooda wadaninimo, isla markaana sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin  cid walba oo ku xad gudbaysa dalkeena.

“Waxaa si dhab ah kormeer buuxa ugu soo sameynay meelihii la inoogu sheegay in isbadal lagu sameeyey ee xadka labada dal, waxaan soo ogaanay xaqiiqada meesha taala inagoo runtii qaadanay feker fiican iyo aragti uruurin aan dib ugula noqonayno dawladda dhexe iyo cida ay quseyso”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho gelinkii danbe ee maanta, waxaana ay la qeybsan doonaan madaxda sare ee dalka wax walba oo ay ku soo arkeen deegaannadii ay booqdeen.

C360_2015-11-17-16-08-35-864 C360_2015-11-17-16-14-00-125 C360_2015-11-17-16-14-07-254 C360_2015-11-17-16-14-12-502 C360_2015-11-17-16-14-15-046 C360_2015-11-17-16-14-23-501 C360_2015-11-17-16-14-47-447 C360_2015-11-17-16-23-58-988 C360_2015-11-17-16-24-13-947 C360_2015-11-17-16-24-51-732 C360_2015-11-17-16-24-53-570 C360_2015-11-18-13-21-16-339  IMG_-67n8i IMG_8686  IMG_20417q IMG_-i0jm5p

01 1 2 6

Previous Post

Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo ka soo laabtay safarkii Sudan “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo ka soo laabtay safarkii Sudan “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo ka soo laabtay safarkii Sudan "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In