In ka badan 5,000 (Shan kun) oo xoolo Loโ ah ayaa maanta loo dhoofiyay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, iyadoo Markab weyn oo kuwa xoolaha qaada ah uu ka shareecday dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.
Shirkadda East Africa Livestock Company oo dhowr jeer oo hore xoolo badan u dhoofisay dalalka Khaliijka ayaa maanta xoolaha gaaraya shan kun ee loโ u dhoofisay dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa soo dhoweeyay dhoofinta xoolaha, isagoo ku booriyay Ganacsatada inay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa suuq geynta xoolaha Soomaalida ee dibadda loo dhoofiyo.
โShankun oo neef ayaa la dhoofinaya, waa markii ugu oreysay oo xoolo intaan la eg ay mar dhoofaan intii aan Wasaaraddu joognay, waxaan ku faraxsanhay in la keenay maraakiibtii waa weyneyd ee Xoolaha lagu dhoofin jiray, Wasaaraddu waxa ay ku dadali doono ilaalinta caafimaadka xoolaha, si loo ilaaliyo sharuucda dhoofka xoolahaโ ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka ah e Soomaaliya Mudane Nuur Faarax ayaa sheegay inuu soo xoogeynsanayo dhoofinta xoolaha, waxaana uu tilmaamay in Dekeda Muqdisho laga dhoofin doono xoolo dheeraad ah.