Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga furtay shir looga hadlayay hindise sharciyeedka xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Shirka ayaa waxaa looga tashanayaa qabyo qoraalka hindise sharciyeedka Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo ay ka qeyb galayaan qeybaha bulshada iyo xubno matalaya axsaabta siyaasadda, si ay ugu biiriyaan talooyinka, kaasi oo socon doono muddo saddex cisho ah.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in loo baahanyahay in ka qeyb galayaashu ay talooyin ku yeeshaan hindise sharciyeedkan oo uu tilmaamay inay muhiim u tahay dalka.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay shirka ayaa si wada jir ah u xusay in nidaamka axsaabta ay tahay midda kaliya ee looga bixi karo hanaanka dowladda lagu soo dhisay ee 4.5 oo ah hanaan qabiil, loona gudbiyo nidaamka axsaabta badan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku dheeraaday waxyaabaha u hirgalay Wasaaradda hadii ay ahaan lahayd dhismaha guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka, kan Xaduudaha iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah.
Wasiir Odwaa ayaa ka qeybgalyaasha ku bogaadiyay in si wanaagsan ay u turxaan baxiyaan qabyo qoraalka Hindise sharciyeedkan ee horyaala ayna ku biiraan fikirkooda, waxaana uu xusay in uu socon doono muddo saddex cisho, lagana soo saari doono warmurtiyeed.
Dowladda ayaa dadaal xoogan uga jirta sidii looga guuri lahaa nidaamka qabiilka ee 4.5, si loo helo nidaamka xisbiyada badan oo dalka u horseeda inay ka dhacdo doorasho dhanka axsaabta ah.
????????????????????????????????????
Sawir Qaade:- Cabdullaahi Xaaji Roob da’ay