Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNHCR oo ka tacsiyeesay dilka mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu dilay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed ay soo saartay Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ay ka naxeen dilka Aamina Nuur Maxamed oo shalay gelinkii dambe koox hubeysan ay ku dishay magaalada Muqdisho.

“UNHCR waxay ka naxday dilka mid ka mid ah howlwadeenadeeda Aamina Nuur Maxamed oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho”sayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka baxay UNHCR.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026

UNHCR oo fadhigeedu yahay Geneva ayaa sheegtay in Aamina Maxamed ay dileen kooxo hubeysan oo aan la aqoon, iyadoo wadatay baabuur gaar ah, waxaana lala dilay qof kale oo la socday baabuurka.

Madaxa Hey’adda UNHCR Antonio Guterres, ayaa sheegay dilka Aamina in uu wiiqi karo dedaallada shaqaalaha Qaramada Midoobay ay ka waddo Soomaaliya.

Mr. Guterres ayaa dhinaca kale sheegay in maanta oo Tallaado ah magaalada Geneva ee xarunta Qaramada Midoobay loogu sameen doono kulan baroordiiq ah oo marxuum Aamina Maxamed ku saabsan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo shaqaale ka tirsan QM lagu dilo Soomaaliya, bishii April ee sannadkan ayaa afar ka mid ah shaqaalaha hey’adda UNICEF la dilay kaddib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen magaalada Garoowe.

Bishii June sannadkii 2013-ka kooxo hubeysan ayaa weerartay dhismaha QM ee Muqdisho, waxaana ay ku dileen 16-qof.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Aamina, balse waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo caadeystay dilka dadka wax galka ah.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beledweyne

Next Post

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo Masar uga qeyb galay shir muhiim ah “Dhageyso”

Next Post
War-galin Muhiimah:Kulanka Todobaadka

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo Masar uga qeyb galay shir muhiim ah "Dhageyso"

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

July 22, 2026
0

Waxaa Degmada Caabudwaq ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

July 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In