Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo la soo gabo gabeynayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta la filayaa in Muqdisho lagu soo gabogabeeyo shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiilo ka socday beesha caalamka, waxaana u jeedka shirka uu yahay in dhallinyarada ay door ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Shirka ayaa looga hadlay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan hiigsiga 2016-ka, in la muujiyo caqabadaha heysta iyo in shaqooyin loo abuuro dhallinta waxbaratay ee ku sugan gudaha dalka, waxaana shirka maanta ku biiraya madaxda sar sare ee dalka, kuwaasi oo ka jeedin doono habka loo marayo dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo shalay furay shirka ayaa tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin lafdhabarka bulshada, loona baahanyahay inay door muuqdo ku yeeshaan siyaasadda dalka.

Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliyeed Cabdullaahi Nuux ayaa xusay in go’aanada shirka ka soo baxa lagu dari doono hindise sharciyeedka siyaasadda dhallinyarada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax tar u leh dhallintada Soomaaliyeed ee waxbaratay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo guulo la taaban karo ku tilmaamay shirarkii lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo guulo la taaban karo ku tilmaamay shirarkii lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo guulo la taaban karo ku tilmaamay shirarkii lagu qabtay Muqdisho

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In