Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugidda, kaasi oo horey u dilay qof rayid ah.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in taariikhu marki ay ahayd 04/07/2015 ay maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysatay gacan ku dhiigle Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow oo 26 sano jir ah ina Maryan Sheekh Xaamud ku dhashay Baydhabo degan Xamar kana tirsan ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdonka Qaranka, kaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeysay in uu si bareer ah u dilay marxuum la oray jiray Maxamed Qaasim Barow, dilkasi oo ka dhacay degmada Deyniile 10/2/2015, waxayna Maxkamadda ku xakuntay in uu bixiyo diyadii marxuum Maxamed Qaasim Barrow iyo xabsi ciidan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa yiri “Taariikhdu markii ay ahayd 12/07/2015 waxaa rafcaan ka qaatay xukunka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhinaca dhibanaha, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 19/09/2015 ay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida markale u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay gacan ku dhiigle Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, waxayna ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamed Qaasim Barrow”

Maxkamadda ayaa maanta xukunka dilka ah ku fulisay Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, iyadoo dhinaca kale digniin u diray kuwa dadka dilaya in cadaaladda la horkeeni doono.

vlcsnap-2016-01-03-09h01m16s38 vlcsnap-2016-01-03-09h01m20s85 vlcsnap-2016-01-03-09h01m37s247 vlcsnap-2016-01-03-09h01m49s111 vlcsnap-2016-01-03-09h01m57s195 vlcsnap-2016-01-03-09h02m05s17 vlcsnap-2016-01-03-09h02m16s133 vlcsnap-2016-01-03-09h02m30s10  vlcsnap-2016-01-03-09h03m06s117 vlcsnap-2016-01-03-09h03m19s247 vlcsnap-2016-01-03-09h03m44s237 vlcsnap-2016-01-03-09h03m47s13

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Beledweyne

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In