Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/asaare Ku-Xigeenka oo maanta furay qorshe horu-marineed oo lagu hirgelinayo siyaasadda kala-duwanaanshaha noolosha Soomaaliya+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 23, 2016
in Wararka
0
R/asaare Ku-Xigeenka oo maanta furay qorshe horu-marineed oo lagu hirgelinayo siyaasadda kala-duwanaanshaha noolosha Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in samaynta Qorshahan iyo Siyaasaddan kala duwanaanshaha Noolaha lagala tashaday dhammaan Wasaaradaha ay khuseyso ee Maamullada Somaliland Puntland iyo Maamul Goboleedyada kale ee dalka.

“Siyaasadan waxay ka kooban tahay qodobo muhiim ah oo ku dhisan aragti ku aadan ilaa 2050-ka oo saameyn ku leh Nolosha Dadka Soomaaliyeed maadaama boqolkiiba todobaatan ay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay siyaasadani Xoogga saarayso, waxaana ugu muhiimsan Nolosha Xoolaha,Beeraha,Kaluumaysiga IWM , sida lagu sheegay Qorshahan Shan Boqol oo nooc oo Dhira ayaa laga helaa Soomaaliya, sidoo kale kun iyo laba boqol oo Xayawaan kala duwan ayaan hodan ku nahay, dhawr boqol oo nooc oo kalluun ah ayaa xeebaheena laga helaa, waxaa kale oo muhiim ah in la ilaaliyo xayawaanka sii dabar go’aya sida Gumburiga,Goodirka iyo noocyo ka mida Sagaarada. ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare ku-xigeenku”.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025

Mar uu Mudane Carte ka hadlayay hirgelinta Qorshahan waxa uu sheegay in la horgayn doono PSG4 si looga dhaqan galiyo Hiigsiga Cusub (New Deal)looguna daro Qorshaha Horu-marineed ee Qaranka, sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku wuxuu xusay in Qorshahan lagu hir-gelinayo Siyaasadda Noolaha kala duwan ay xukuumada ka go’antahay in la hirgaliyo Madaxwaynahana loo gudbin doono.

Marka uu saxeexo Madaxwaynaha DFS ayay Xukuumaddu ka hawl-gali doonto sidii maashaariic lagu dhaqangalinayo uga samayn lahaayeen Hay’ada Caalamka u qaabilsan Arrimaha Bii’ada (GEF).

Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku Mudane Maxamed Cumar Carte wax uu Tacsi u diray dhamaan ummada Soomaaliyeed oo uu ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Falkii arxan-darrada ahaa ee shalay lagu Qaaday Maqaaxida Liido SEA Food ee Xeebta liido, waxaanu si adag uga hadlay in ay dawladda ka gacan ka geysan doonto ilaalinta amniga shacbiga Soomaaliyeed, cid walba oo ka soo horjeeda amaanka bulshadana wuxuu ugu baaqay in aan la xalaashan dhiiga dadka masaakiinta ah.

04dac784-6779-407e-b0d0-f0a204de2bbc 8861f67e-076e-4488-866a-e41fdc91ec73

Previous Post

Wax-qabadka Dawladda ee todobaadki la soo dhaafay “Sawirro”

Next Post

Faalo: Jiilaalka iyo jawiga dabeylaha dhacaya

Next Post
Faalo: Jiilaalka iyo jawiga dabeylaha dhacaya

Faalo: Jiilaalka iyo jawiga dabeylaha dhacaya

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In