Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo koontarool ku sameyn doonto dawada xoolaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in lala socdo Dawooyinka xoolaha ee dalka la soo galinayo si looga fogaado cudurada aan la aqoon ee ku dhacay Xoolaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto sidii loo koontarooli lahaa dawada xoolaha oo uu sheegay in ay dhibatooyin badan ay ka dhasheen dawo dhacday oo xoolo lagu duray, taasi oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqato ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

July 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026

“Waxaan qorsheyneynaa in aan iska kaashano Wasaaradda Ganacsiga oo aan koontaroolno wixii dawo ah ee soo galaya dalka, iyadoo aan la kaashaneyno dhaqaatiir dhanka daawada Xoolaha ku taqasusay ay howshaasi ka qeyb qaadan doonaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay diiwaan gelin doonto shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda si loo kala saaro qofkasta waxa uu taqasus u leeyahay, taasi oo uu ku tilmaamay inay horseedi karto in shaqaalaha Wasaaraddu ay awood u yeeshaan la socodka daawo kasta oo dalka soo galaysa.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo socdaal ku maraya Bakool

Next Post

Deegaanka Dacdheer oo Cadaado hoosyimaada oo biya la’aani ka jirto “SAWIRRO”

Next Post
Deegaanka Dacdheer oo Cadaado hoosyimaada oo biya la’aani ka jirto “SAWIRRO”

Deegaanka Dacdheer oo Cadaado hoosyimaada oo biya la'aani ka jirto "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Taliska Ciidan ee Xero Maslax

July 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Xero Maslax ee...

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In