Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobaadka Dib-u Noolaynta Dhaqanka iyo Farshaxanka oo si rasmi ah uga furamay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Todobaadka Dib-u Noolaynta Dhaqanka iyo Farshaxanka oo si rasmi ah uga furamay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmay dabaal dag dhaqan iyo farshaxan oo soconaya mudo todobaad ah. Ololahan ku wajahan dib-u soo noolaynta dhaqanka iyo farshaxanka ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee Maamulka Jubaland iyo Xafiiska Duqa magaalada Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland mudane Cabdinur Cali Aadan ayaa si rasmi ah u furay maalintii ugu horeysay bandhig faneed iyo cayaaro isboorti oo lagu soo bandhigay xarunta cayaaraha ee xaafadda Calanley, Degmada Kismayo, waxaana uu halkaas kula` hadlay ka soo qeyb galayaal badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

“Dhaqankeenu waa dhaxal ma guuraan ah, waana muhiim in laxuso. Waa fursad qaali ah oo dhisaysa is-dhex galka iyo midnimada dadka deegaanka ayna ku soo bandhigayaan dhaqankooda qurxoon. Xuskan oo kale in mudaa kama dhicin degmadaan, bulshada Kismaayana aad ayay ugu baahan tahay in ay dhaqankeeda iyo is dhexgalkeeda xoojiso”. Ayuu yiri Wasiir Cabdinur Cali Aadan oo munaasabadda furay.

Mudane Cabdinur Cali Aadan ayaa intaa ku daray in barnaamijkani yahayn damaashaad iyo xus soconaya mudo todobaad ah oo loogu talo galay in bib loogu soo nooleeyo, laguna soo bandhigo hidhii qurxoonaa ee Ummadda, dhaqankii sareeyay ee magaalada Kismaayo iyo xirfadii farshaxan ee dhalinyarada deegaanka.

Todobaadka Hidaha, Dhaqanka & Farshaxanka ee Kismaayo waxuu si rasmi ah u bilowday 7da Feebaraayo waxaana uu soconayaa illa laga gaaro -11ka  Feebaraayo. Waxuuna ka dhici doonaa dhowr xarumood oo ay ay kamid yihiin Xaruunta shirarka ee Hooyooyinka iyo Xarunta Shirarka ee Daawaad ee ka soo horjeeda dhismihii hore ee Caymiska. “Ha u-daymo la’aan, hal-abuurka Kismaayo”.

 

IMG_2017 IMG_2023 IMG_2030 IMG_2052 IMG_2054 IMG_2068 IMG_2104 IMG_2107 IMG_2112 IMG_2127 IMG_2148 IMG_2155 IMG_2164 IMG_2171

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Hobyo

Next Post
Wasiir Odowaa: Kulamadii Madaxweynaha ee B/weyne guul ayey ku soo dhamaadeen

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Hobyo

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In