Ifraax Macalin Axmed waa gabar Soomaliyed oo da’a yar ah waxeyna u olaleysa arrimaha beni’aadanimada sida wacyi gelinta ka hortaga kufsiga iyo ladagaallanka Gudniinka Fircooniga kuwaaso ah dhibaatoyinka ugu badan oo ay la kulmaan Dumarka Soomaliyed, sidoo kale Ifraax waxey aad isugu howshaa in bulshada Soomaliyed ay meel ugu soo wada jeystaan ka hortago xadgudubyada Xaquuqal insaanka, Maadama uu dalka Soomaliya muda dhor iyo labaatan sano ah uu kujiray dagaalo sokeeyo iyo bur bur .
Ifrah Macalin waxa ay aas aastay Hey-ad u olaleysa xaquuiqda Dumarka, hey’adas oo lagu magacaabo Ifrah foundation iyadoo booqasho ay ku tagtay qaar kamid ah gobalada dhaxe iyo kowfurta Soomaliya waxeyna kulama wacyi galin ah la qaadatay ururada haweenka Soomaliyed si ay door muhiim ah ugu qaatan ciribtirka Gudniinka Fircooniga, waxeyna haatan ku sugan tahay dalka Ireland halkaasi oo ay kaga qeyb gashay shir looga hadlaayo sidii Dowlada Ireland ay gacan ugu geysan laheyd Hormarinta xaquuqal insaanka ee Dalka Soomaliya.
Xaggga waxbarashada waxa ay wax kusoo baratay Dalka Ireland in mudana halkaasi kunooleyd iyadoo waxbarashadeeda kadib ay go’aan satay in ay dalkeedo hooyo dib ugu laabato si ay wax ugu qabato Hormarinta dalka iyo dadkeda waxeyna markii ay dalka kusoo laabatay oo ay kasoo dagatay Garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho ay aad ugu damqatay kana ilmeysiisay Nolasha ay kunool yihiin qoysaska danyarta iyo Dhibaatada xiligaasi dalka kajirtay.
Intaas kadib Ifraah waxey go’aan ku gaartay iney si laba laabto da’daal keedi ahaay iney u olaleyso dhibaatoyinka Xanuunka badan ee sida joogtada ah ay ula kulmaan Dumarka soomaliyed iyo tacayadiyada Bini’aadanimada ee dalka kajira iyadoo Bulshada iyo hey’adaha Caalamka ay u sheegtay in Soomaliya ay tahay Dal u baahan in si dhab ah loogu gurmado ama loo garab istaago.
W/D: Nuur Saciid Tahliil