Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray Suuqa uu dabka ka kacay xilli ay socdaan dadaalo lagu daminaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dab ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo lagu guuleystay in la damiyo{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka laga helaayo Suuqa weyne ee degmada wadajir oo ah halka uu dabka ka kacay ayaa sheegaya in goordhaw ay soo gaareen goobta suuqa weyne, xubno uu hogaaminaayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga dalka,

Waxaana dhinaca kale wali socda dadaaladii dabka lagu daminaayay, iyadoo ilaa hada gawaarida dab damiska ay ku howlan yihiin sidii dabka loo baqtin lahaa, waloow qayba ka mid ah lagu guuleystay in la damiyo, hadana waxa uu maamulka degmada oo aan la xiriirnay ay sheegeen in wali uu qayba ka mid ah suuqa dabka ka socdo, lana wado dadaaladii lagu daminaayay,

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

Waxa ay intaas ku dareen maamulka, in qasaare badan oo hantiyadeed ay jiraan, lakin waxa uu meesha ka saaray, in dad rayid ah ay wax ku noqdeen.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada wadajir Abuukar Shiekh Axmed ayaa dhinaca kale sheegay in sababta dabka sii horineyso in ay tahay goobta uu ka kacay oo ah, meesha Qandalada lagu iibiyo, halkaas oo ay yaaleen, Alwaaxda guryaha lagu dhiso, Jiingado, qalab kale oo dabka sii hurinaayay.

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo kormeeray garoonka Aadan Cadde oo ciidamo gaar ah la geeyay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In