Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda shaqaalaha Adduunka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan ILO ayaa mashruuc loogu magac daray xalka waara ku daahfurtay magaalada Baydhaba.

Mashruucan oo ay maalgelineyso dowladda Japan ayna fulineysay hay’adda maxaliga ee MMC oo xiriir shaqo la leh Hay’adda ILO ayaa waxaa ka faa’iideysan doona 320 ruux oo 160 kamid ah yihiin dadka kusoo gurya noqday dalkooda ee ka yimid wadamada dersika sida Kenya, Ethiopia iyo Yemen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Sidoo kale mashruucan waxaa ka faaideysan doona 96 kamid ah Dadka Dalka gudihiisa ku barakacay (IDPs)-ka iyo 54 ka mid ah dadka liita ee ku dhaqan magaalada Baydhaba.

Hay’adda MMC ayaa mudo 4 bilood ah dadka ka faa’iideysanaya bari doonta xirfado kala duwan oo u sahli doona inay shaqo ku heelaan,  sida uu sheegay Madaxa hay’adda MMC Mudane Sid Cali Baafo waxaa jira in mudada tababarka ay sameyn doonaan tababar barashada Ganacsiga ah ah oo ay ka qayb galayaan dhamaan 320-ka.

“Tartan qorshe ganacsi ay wada gali doonaan ka faaideysteyaasha ayaa lagu soo xuli doonaa 160 kamid ah oo ku heli doonaa abaalmarin lacageed oo gaareysa $500 oo ah lacag ganacsi lagu bilaabayo.” ayuu yiri Sid Cali Baafo.

Martida lagu casuumay ayaa ka Mahad celiyay waxqabadka isdaba-jooga ah ee hay’adda ILO mashaariic wax ku ool ka hirgelisay magaalada Baydhaba.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka, Ururada bulshada raydka, Madaxda heer degmo iyo heer gobol, Wasiirkuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha Koonfurgalbeed, Agaasimaha Waaxda shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha  Dowladda Federalaaka Soomaaliya.

 

1 2 4 haa

Siraaji Sheekh Isxaaq

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Next Post
Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In