Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlad goboleedka Galmudug oo shaacisay in tiro ka tirsan Al-Shabaab la dilay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in deegaannada Caad & Ceel-Cabdi lagu dilay 22 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib markii dadka deegaanadaasi ay ka biyo diideen lacago baad ah oo ay Shabaabku ka qaadi rabeen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Mesagaway)  ayaa sheegay in shacabka Galmudug gaar ahaan shacabka deegaanada Caad & Ceel-Cabdi ay yihiin geesiyaal diiday in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qasbaan oo argagax joogta ah ku hayaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025

Wasiir Mesagaway ayaa yiri “Shacabka deegaanada Caad & Ceel-Cabdi oo kaashanaya ciidamada Galmudug ayaa dagaal la galay kooxo maleeshiyaad ah oo shacabka deegaanka ku hayey argagax iyo cagajugleen joogta ah. Galmudug waxey soo dhoweyneysaa shacabka yiri kooxaha argagaxisada ah waa inaan iska caabinaa oo dagaal la galay, isla markaasna ka dilay maleeshiyaadka argagaxisada 22 ruux tanoo ah guul u soo hoyatay shacabka.”

Wasiir Mesagaway oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa la joogaa waqtigii shacabka ay oran lahaayeen dooni meyno argagax, dagaalkii maantana waa tusaale fiican oo aan rabno in shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay iska dulqaadaan argagaxa joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab. Dagaalkii maanta ka dhacay Caad & Ceel-Cabdi waxaa kooxaha argagaxisada looga dilay 22, isla markaasna looga dhaawacy 30 ruux. Dhanka shacabka iyo ciidanka GalMudug waxaa ka dhintay hal ruux, waxaana dhaawac soo gaaray hal ruux. Ciidanka Galmudug iyo shacabka oo iskaashanayana waxey soo furteen hub fara badan iyo saanad ay kooxaha argagaxisada ah ku damacsanaayeen in shacabka ku gumaadaan. Deegaanka Caad & Ceel-Cabdina waa laga saaray kooxihii argagaxsiada ahaa shacabka deegaankana waxey caawa ku seexanayaan neecow nabad ah iyo amni la isku haleyn karo.”

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka Galmudug inay ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo.

 

Previous Post

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan xabsi ku yaala dalka India

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ROME):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula...

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In