Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa maantay xariga ka jaray waddo laami ah oo Maamulka Gobolka banaadir dib u dayactiray, taas oo isku xirta Dekadda weyne ee Muqdisho ilaa iyo isgoyska Ceel Gaabta.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo xubno kale ayaa kormeeray waddada dib u dayactirka lagu sameeyay, kuwaasi oo qiimeyn ku sameynayay sida waddada loo dhisay.
Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in tobanka bishii Febraayo la dhagax dhigay, haatanna lagu guuleystay in dib u dayactir lagu sameyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud
Dhismaha Wadadan ayaa waxaa fuliyey Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka mid yahay mahshruuca dalkaada dhiso oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay.