Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay ayaa sheegay in la soo afjaray dagaaladii saddexda maalmood ka socday deegaannada bariga Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka bariga Galmudug ka socday ee u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo Al-Shabaab la soo afjaray, isla markaana ay ka soo qabteen tiro maxaabiis ah oo ku dhuumaalaneysay bariga Mudug.
“Waxaan maanta soo afjarnay dagaalladii saddexda maalin ka socda bariga Galmudug, kadib markii koox meel ku jirtay ay isa soo dhiibeen oo xoog lagu maquuniyay, waxaana gacanta lagu dhigay in ka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab iyo hubkooda, guud haan tirade laga qabtay waa 105 maxbuus, halka dhimashada ay tahay 110, waxaana deegaannada lagu dagaallamay ay kala yihiin , Galhagoog, Bareey iyo kuwa kale” ayuu yiri Mudane Maxamuud.
Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay ayaa sheegay in dhankooda uu dagaalka kaga geeriyooday hal kari halka ay kaga dhaawameen sideedkale, waxaana uu intaa ku daray in dagaalka uu sii socon doono oo aan la joojin doonin ilaa inta laga sifeynayo haraadiga Al-Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay ayaa ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada amniga, isla markaana ay markasta ciidanka ku soo wargeliyaan meelkasta oo ay ku arkaan haraadiga Al-Shabaab.