Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caafimaadka oo kormeertay qeybta saalada ee isbitaalka Madiina”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caafimaadka oo kormeertay qeybta saalada ee isbitaalka Madiina”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya oo uu wehlinayo Wasiir ku-xigeenka caafimaadka ayaa maanta kormeeray isbitaalka Madiina, gaar ahaan qeybta saalada oo dhawaan dab qabsaday, iyagoo u kuurgalayay dabka qabsaday saalada qasaaraha uu gaarsiiyay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka ayaa mas’uuliyiintan ku soo wareejiyay qeybaha isbitaalka, gaar ahaan qeybta saalada ee uu dabka qabsaday iyo qasaaraha ka dhashay, oo ay ka mid ahaayeen agabyadii gurmadka deg deg ah iyo kuwa qaliinka lagu sameyn jiray oo bas beelay, iyagoo sidoo kale kormeer ku sameeyey agabyo si KMG ah qaliino lagu sameeynayo oo ay Wasaaradda caafimaadka halkaasi geystay dabka kadib.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Yuusuf ayaa intaas kadib ka warbixiyay qasaarihii ka dhahay dabkii qabsaday qeybta saalada ee isbitaalka iyo kaalmadii ay Wasaaraddu gaarsiisay waxa ay ka badashay baahiyaha qaliin ee isbitaalka ka jirtay.

“Waan ku faraxsanahay in Wasaaraddu ay gacan weyn naga siiso, dhibtii uu gaarsiiyay goobihii ugu muhimsanaa ee isbitaalka oo dabqabsaday, taas badalkeedana ay Wasaaraddu na soo gaarsiisay qalab aan isticmalno iyo dhismihii saalada oo dhawaan ay noo dhagax dhigtay Wasiirka Caafimaadka” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in isbitaalka uu yahay mid muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed oo u qabta adeegyo kala duwan, Wasaaradduna ay ka qeyb qaadaneyso sidii markale isbitaalka uu u sii wadan lahaa adeegyada uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

“Shaqo muhiim ah ayuu u hayaa isbitaalka bulshaada Soomaaliyeed, anaguna sharaf ayay inoo tahay inaan gacan ka geysano inaysan hakad gelin howlaha isbitaalka ugu gurmanayo shacabka, waxaan gacan ka geysan doonaa dib u dhiska qeybta saalada ee isbitaalka” ayay tiri Drs Xaawo Wasiirka Caafimaadka.

IMG_0272 IMG_0282 IMG_0285 IMG_0292  IMG_0301 IMG_0302 IMG_0308  IMG_0315  IMG_0325 IMG_0342 IMG_0349  IMG_0362 IMG_0365 IMG_0378 IMG_0392 IMG_0394 IMG_0396 IMG_0432 IMG_0440 IMG_0442 IMG_0443 IMG_0455 IMG_0466 IMG_0477 IMG_0481 IMG_0487 IMG_0494 IMG_0496 IMG_0505

Sawir qaade:- Sugaal Macalin Maxamuud

Previous Post

Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha J. F. S. oo ka hadlay howlgalki lagu dilay horjooge ka tirsanaa Shabaab

Next Post
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Madaxweynaha J. F. S. oo ka hadlay howlgalki lagu dilay horjooge ka tirsanaa Shabaab

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In