Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Djibouti oo dib loo doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Djibouti oo dib loo doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 9, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi aanu walaalaha nahay ka dhacday.

“Walaalkey Madaxweyne Geelle waxan kugu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoysey doorashadii madaxtinimada ee shalay oo Jimco ah dhacday. Waxay guushan tilmaameysaa kalsoonida shacabkaaga kugu qabo iyo waxqabadkaagii oo horseeday in Djibouti ay horumar ku tallaabsato, dunidana magac ku yeelato’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta Djibouti ee dhinaca dimoqraadiyadda uu yahay kan keenay in doorashooyinka ay si nabad ah ku dhacaan, fursadna la siiyo in waddanku uu horay u sii socdo.
“Waxaan filayaa in adigoo kaashanaya shacabkaaga aad meesha ka sii wadi doonto waxqabadkii aad ummadda u haysey, anigoo rajeynayaa in aad waddanka gaarsiin doonto horumar ka ballaaran kii aad u horay u gaarsiisay 17-kii sanno ee aad talada haysay. Waxaana kuu xaqiijinayaa in Soomaaliya iyo shacabkeeduba ay ku garab taagan yihiin mar kasta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Djibouti ay baal dahab ah kaga jirto taariikhda Soomaaliya, marnabana aanay Soomaaliya iyo shacabkeeda ilaabi doonin taageerada ay Djibouti ka heleen.

Waxaa ugu dambeyntii uu Madaxweynaha u rajeeyay Madaxweynaha Djibouti inuu Ilaahay la garab galo xilka culus ee mar kale loo doortay, waddanka iyo shacabka reer Djiboutina ay horumar iyo baraare ku waaraan.

Previous Post

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Next Post
Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas'uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In