Munaasabada tartanka doorashada hogaanka Ardayda Jaamacadda Galgaduud ayaa lagu qabtay gudaha Jaamacada Galgaduud Universty ee degmada Caabudwaaq.
Tartanka doorashada hogaanka Ardayda oo ahaa cod qarsoodi ah, waxa isu soo taagay qabashada xilkaasi 5 ka mid ah Ardada Dhigata Jaamacadda Galgaduud, waxaana codka lagu ridayay sanduuq loo dhigay Ardada codka dhiibanaysay.
Musharaxiinta isu soo taagtay qabashada xilka hogaankaa Ardayda Waxaaa codka siinayay qaar kamid ah Ardayda dhigada Kuliyadaha kala ah, Kuliyadda Kalkaalisonimo “Nursing”, Kuliyadda Maamulka iyo maareynta “Business Administration” Kuliyadda Shreeeca Wal-Qaanuun
Afhayeenka Guddiga doorashada Burhaan Cabdullahi Jaamac oo ugu horeyn ka hadlay habka ay u dhacay doorashada gudoomiyaha Ardayda Jaamacadda Galgaduud ayaa ku booriyay inay doortaan shaqsiga ay u arkaan in uu ka soo bixi karo xilka loo dhiibay.
Doorashada oo aheyd laba wareeg ayaa Musharaxiinta ku loolamayay, waxaa ay kala ahaayeen Mahad Maxamed Cawil, Nuur Xusseen Shiikhdoon, Bile Maxamed Diiriye, Xassan Axmed Diiriye iyo Mahad Xassan Muxumed.
Waxaana codeyntii koowaad ay u kala heleen Musharaxiinta Musharax Nuur Xusseen Shiikhdoon Waxuu helay, 6. Cod, Musharax Xasan Axmed Diiriye Waxuu helay 3. Cod, Musharax Bile Maxamed Diiriye Waxuu helay 10. Cod, Musharax Mahad Xasan Muxumed Waxuu Helay 11 Cod, Musharax Mahad Maxamed Cawil, Waxuu helay 16. Cod
Waxaa wareegii labaad u soo Gudbay Mahad Maxamed Cawil iyo Mahad Xassan Muxumed, Waxaana markii ay soo dhamaatey Codayntii dambe ku guulaystay Hogaanka Ardayda Mahad Xasan Muxumed oo ku hantay xilkaasi 24 Cod
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Cabdikaafi Jaamac Xanaf ayaa markii ay soo dhamaatay codaynta sheegay najiidadii Doorashada hogaanka Ardayda oo uu xusay in uu ku guuelystay Mahad Xasan, isagoo u rajeeyay in uu si hufan u guto xilka loo doortay.
Caabudwaaq/Soomaaliya