Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray xarumo dib u dhis lagu sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib markii uu Kismaayo kaga soo qeybgaley Madasha Wadatashiga Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka rajay xarumaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo tan howlaha guud oo dhawaan dib u dhis lagau sameeyay.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Taliyaha ciidanka Booliska iyo mas’uuliyiin kale waxa uu ugu horeyn kormeer howleed ku tegay qeybta guud booliska gobolka Benaadir, halkaasi oo u salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxweynaha iyo xubnaha la socday waxa ay warbixinno ka dhageysteen taliyaha qeybta guud booliska gobolka Benaadir Jeneral Cali Xirsi Barre Cali Gaab, oo madaxda uga warbixiyay saldhigyada ciidanka booliska ee 17-ka degmo ee gobolka benaadir iyo sida ay ciidamada u sugayaan ammaanka caasimadda.

Intaas kadib Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kormeer ku tegeen xarumaha labada Wasaaradood ee kala ah Holwaha guud iyo Shaqaalaha, waxa uu warbixin ka dhageystay labada Wasaaradood, oo Madaxweynaha u sharxay dib u dhiska lagu sameeyay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda labada Wasaaradood ku bogaadiyay dib u dhiska ay ku sameeyeen xarumahooda, waxaana mas’uuliyiinta kale ka dalbaday inay dib u dhistaan xarumaha Wasaaradaha ay u magacaaban yihiin.

Sidoo kale xarunta Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulsahda ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da May.

 

Previous Post

R/wasaare Cumar “Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee dalka”.

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo IGAD oo gaaray Boosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo IGAD oo gaaray Boosaaso “SAWIRRO”

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo IGAD oo gaaray Boosaaso "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In