Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan kubadda cagta ah oo loo soo gabo gabeeyay ardayda dugsiyada sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankan kubadda cagta oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda City ayaa waxaa uu socday muddo bil,waxaana loo qabtay dugsiyada sare ee ku yaala 16 degmo oo ka tirsan  gobolka banaadir.

Tartankan oo ugu dambeyn ay isugu soo hareen labada dugsi oo kala ah Hoyga Xamar iyo Jaabir Bin Hayaan, kuwaasoo waqtigii cayaarta loogu talagalay bar bar dhac ku dhameystay, waxaana sidaas daraadeed rigoorayaal cayaarta ku badisay kooxdii ka socotay dugisga sare ee Hoyga Xamar.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026

Xaflad kooban oo tartankan lagu soo gaba gabeynayay ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka Jaamacadda City iyo maamulka Degmada C/casiis.

Madaxa wax barashada ee Jimciyada Maka Al mukarama C/qaadir Maxamed Xasan ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan kooxaha tartankan mudada uu socday ka qeyb galay.

Hormuudka Jaamacadda City Cabdullaahi Maxamed Bariise ayaa amaan u jeediyay dugsiyadii tartankan ka qeyb galay ee cayaar wanaaga ay muujiyeen inta uu tartankan socday, isagoo sheegay in tartamada soo socda Jaamacadda city ay magac ahaan uga qeyb galeyso.

Tartamada noocaan ah oo ay qabaneyso Jaamacadda City ayaa waxa ay yihiin kuwo lagu dhiira gelinaayo ardayda wax ka barata dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Previous Post

Baarlamaanka oo markale ka doodaya hannaanka doorasho ee 2016-ka

Next Post

Beeraleyda gobolka Shabeelaha dhexe oo ku howlan tacabka beeraha

Next Post
Kulan wax soo saarka dalka looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

Beeraleyda gobolka Shabeelaha dhexe oo ku howlan tacabka beeraha

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

August 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, isagoo carrabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In