Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho: Howlgallo lagu soo qab qabtay tiro ka mid ah Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Muqdisho: Howlgallo lagu soo qab qabtay tiro ka mid ah Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan oo si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda, Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed iyo Booliska AMISOM ayay ciidamadu ka sameeyeen Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxayna ciidamadu guri guri u baarayeen guryaha ku yaala Xaafadaasi.

Bartilmamaeedka howlgalka ayaa ahaa in ciidamadu gacanta ku soo dhigaan Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay xaafadda Suuqa Xoolaha.

Related posts

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

February 16, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

February 16, 2026

Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamadu waxa ay soo qab qabteen ilaa 100-qof oo looga shakisanaa inay ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-Shabaab inkastoo markii baaritaan lagu smaeeyay dadkaasi intooda badan lasii daayay, marka laga reebo 5-qof oo ciidanka ay aqoonsadeen inay ka tirsan yihiin Argagaxisada Al-Shbaab.

Howlgalkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kusimaha Taliyaha Hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Sareeya Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo ay wehlinayeen Taliyaha Nabadsugidda qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale oo katirsan Hay’adda Nabadsugidda.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somaaliya oo kaashanaya Booliska AMISOM ayaa kordhiyay howlagalada dhinaca ammaanka ee ay ka sameynayaan Muqdisho, si ay uga hortagaan weerarada iyo dilalka looga bartay maleeshiyaadka Argagaxisada ah Al-Shabaab inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu duda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Shaqaalo ka tirsan Maamulka Galmudug oo taabar loo soo xiray “SAWIRO”

Next Post
Shaqaalo ka tirsan Maamulka Galmudug oo taabar loo soo xiray “SAWIRO”

Shaqaalo ka tirsan Maamulka Galmudug oo taabar loo soo xiray "SAWIRO"

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

February 16, 2026
0

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

February 16, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah...

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

February 16, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda...

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

February 16, 2026
0

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In