Friday, November 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq lacageed gaarsiiyey Orodyahan Muqdisho ku dhibaateesan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq lacageed gaarsiiyey Orodyahan Muqdisho ku dhibaateesan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Faederaalla Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa deeq lacageed gaarsiiyey dhibane Cabdinaasir Saciid Ibraahim (Kaneeco) oo mudooyinkaan ku xanuusanayey magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaan Wasiirka uu u Wakiishey Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banadir .

Deeqdaan Lacageed ayaa waxay dhameyd Kun doollar, waxaana gaarsiiyey Maxamed Axmed Siyaad ( Black) wuxuuna Deeqdaas Guddoonsiiyey Dhibanaha Aabihii Saciid Ibraahim.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025

Maxamed Axmed Siyaad ( Black) oo ka hadley goobta ayaa sheegey in deeqdaan lacageed uu soo dhiibey Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo u Mahadceliyey Dhamaan intii ka qayb qaadatey ama ka damqatey Cabdinaasir Kaneeco oo ugu horeeyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Bahda Cayaaraha oo iyaga Fududeeyey Deeqdaas in ay gaarto Dhibana Cabdinaasir Kaneeco.

Aabaha dhalay Dhibanaha Saciid Ibraahim ayaa u Mahaceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Oodwaa iyo Bahda Saxaafadda, wuxuuna dhamaantood uu Ilaah uga baryey badel ka Khayr badan in uu Alle Siiyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Oodwaa, ayaa ah Wasiir ka damqada Dadka Dhibaateysan ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dhawaan ayey ahayd Markii Wasiirka uu Deeq lacgageed gaarsiiyey Wiil Dhallinyaro ah oo ku Xanuusanaa Magaalada Burco, waxayna Deeqdaan Albaabada u furtey in Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka u ansaxiyaan Lacag gaareysa Toban Kun oo doolar kaddib markii uu Wasiirka uu arrintaa hor dhigey Golaha Wasiirada.

Cabdinaasir Saciid Ibraahim (Kaneeco) waxaa uu ka mid ahaa Orodyahanadi Soomaaliya uga qayb galey Tartankii Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee lagu qabtey Dalka Shiinaha 2008, waxaana Cabdinaasir Kaneeco Xiligaas uu ahaa Orodyahanadii Calanka Soomaaliya Sidey waxayna Deeqdaan ku soo beegantey iyadoo Orodyahano Soomaaliyeed ay ka qayb galayaan Tartanka Olombikaga Adduunka oo haatan ka furmey Dalka Brazil.

DSCN3105 DSCN3107 DSCN3111 DSCN3112 DSCN3113 DSCN3114  DSCN3131  DSCN3149 DSCN3156

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In