Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Cumar oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Sudan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Cumar oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Sudan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, August 12, 2016…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Sudan oo hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu Garda, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Sudan Kamal Ismail iyo masuuliyiin kale, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, isagoo soo gaarsiiyey Ra’iisul Wasaaraha Dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in manta ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho wafdi ka socda Sudan, kuwaas noo haya niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo martay 25 sano ee soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeya walaatinmo iyo islaantinimo, waxay u yimaadeen Soomaaliya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka , waana idinku soo dhaweynaynaa Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsadey inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo shacabka Sudan sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay Arrimaha Iskaashiga Caafimaadka labada dal.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudane Sayid Bahar Idiris ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta loogu sameeyey Soomaaliya, wuxuna tilmaamay in dalkiisu sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibedda.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Afar qofood oo ku dhimatay qaraxyo saaka ka dhacay dalka Thailand

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In