Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shir muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shir muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta magaalada Naiarobi ee xarrunta Wadanka Kenya waxa uu ka furay shir looga hadlayay istiraatijiyadda ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda dalkeena Soomaaliya iyo sida loo difaaci karo kheyraadka dalka.

Shirka oo socon donna muddo 3 maalin ayaa waxaa ka soo qeybgalay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maamul goboleedyada ka jira dalka, deeq bixiyaasha caalamka,UN-ka iyo urruro caalami ah, waxaana soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD.

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasaddor , Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka Garsoorka, dastuurka iyo arrimaha diinta ee maamul goboleedka Jubbaland mudane Aadan Ibraahim Aw-xirsi  ayaa ujeedada shirkan sharraxaad ka siiyay Warbaahinta Qaranka.

“Maanta waxaanu halkaan u joognaa shir magaalatan Nairobi ka dhacaya oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada ka midka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ay ka soo qeybgaleen dad badan oo deeq bixiyaasha caalamka ah iyo hay’ado UN-ta ah iyo ururo caalami ah ay ka soo qeybgaleen. Shirkaan wuxuu ku saabsanyahay istiraatijiyadda ka faa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya badeeda iyo sidii loo difaaci lahaa kheyraadka Soomaaliya ayuu ku saabsanyahay.  Wuxuu socon doonaa 15-ka ilaa 17 ka Agust” ayuu yiri Wasiirka.

Shirkan ayaan aheyn kii u horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto qeybo kamid ah waddamada Afrika.

IMG_6314 IMG_6318 IMG_6320     IMG_6326 IMG_6328  IMG_6330 IMG_6331 IMG_6332  IMG_6335  IMG_6337 IMG_6338 IMG_6339    IMG_6343 IMG_6352     IMG_6357  IMG_6380 IMG_6381 IMG_6382 IMG_6387

Cumar Caaqil 

Previous Post

Danjirihii Jabuuti ee Soomaaliya oo la sagootiyay-Sawirro

Next Post

Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu boobay Dalka South Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu boobay Dalka South Afrika “SAWIRRO”

Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu boobay Dalka South Afrika "SAWIRRO"

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In