Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kuwait “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray Caasimadda Kuwait.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Kuwait city ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Kuwait iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo ay wehliyan qaar kamid ah Diblomaasiyiinta Safaaradda ka howlgasha.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Wafdiga Xeer Ilaaliyaha Gud oo marti u ah Wasaaradda Caddaaladda ee Kuwait ayaa lagu wadaa in ay wadahadalo la xiriiro Iskaashi la yeeshan Hay’adaha Garsoorka Dalka Kuwait.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in socdaalkiisa ay qaadan doonto muddo saddex cisho ah, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhexeeya hay’adaha garsoorka labada dowladood.

“15 ka bishan waxaa Kuwait soo gaari doono garsoorayaal Soomaaliyeed, kuwaasi oo tababar halkan ku qaadan doono, waxaana jirta xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait, socdaalkeyguna waxa uu ku saabsanyahay casuumaad aan ka helnay Wasaaradda Cadaaladda”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wafdiga uu hogaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa qorshuhu yahay marka ay u dhamaato booqashada rasmiga ah ay u sii gudbaan Dalka India, socdaalkaas oo la xiriira wada-xaajood ay la yeelan doonaan dhiggoda India si xal looga gaaro qadiyadda dhalinyarada Soomaaliyeed ee u xiran Arrimaha Burcad Badeedka, kuwaasi oo uu tilmaamay in maxkamadeyntooda ay ka socoto dalkaasi.

 

1 2 3 5 6 7 8

Previous Post

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Turkiga

Next Post

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka oo booqday Abwaab Sangub

Next Post

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka oo booqday Abwaab Sangub

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In