Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkaan oo ay soo qaban qaabiyeen hay’adda Daryeel iyo Ururka Wadaniga ee SOSDA isla markaana ahaa mid lagu baranayay sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada ayaa loo qabtay ilaa 30 qof oo ka mid ah bulshada ku nool degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Ugu horeyna waxaa furitaanka  siminaarka ka hadlay injineer  Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri)  waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka siminaarka isagoo sidoo kalana xusay in uu qeyb ka yahay siminaaro dhowr ah oo hay”adda Daryeel iyo ururka SOSDA ay u qabteen bulshada Degmada Hobyo.

Related posts

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

October 12, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

October 12, 2025

“Waxaan ku faraxsanahay kasoo qeyb galka aad nagala soo qeyb gasheen kulanka ku saabsan wacyi gelinta Caafimaadka sidaa ogtihiina hay’adaha SOSDA iyo daryeel idinkuma cusba, Hobyana kuma cusba waa ogtihiin gobalkoo dhan ineey ka shaqeeyaan hobyana waxaan horay ugu qabanay, siminaaro wacyi gelin ah oo ku saabsan ka hortaga burcad badeednimada iyo kalluumaysiga barnaamijyadaana waa kuwo aan ugu tala galnay inaan uga faa’ideeyno bulshada, siminaarkaan waa mid aan uga gol leenahay in bulshadu ay ku bartaan sidii ay u ilaalin lahaayeen caafimaadkooda” ayuu yiri Cumar Maxamuud Rooble oo ku hadlayay magaca Hay’adda Daryeel oo fadhigeedu yahay Dalka Swedan

Waxaa isna sidoo kale madasha furitaanka siminaarka ka hadlay Maxamed Daahir Aadan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka socatay ururka SOSDA, waxaana uu ka sheekeeyay  wasaqda cuduarada ka dhalan kara.

“Bulshadu markeey hesho caafimaad, waxay awoodaa ineey wax walba qabsadaan bulaacadaha biyaha haddii aan la nadiifin waxaa ka dhasha cudurada farabadan oo ay ka mid yihiin Malaariyada, cagaarshowga, tiifowga, shubanka iyo kuwa kale” ayuu yiri Maxamed Daahir Aadan

Simaanaarkaan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa intii uu socday waxaa kasoo qeyb galayaashii halkaasi uga soo jeediayay  Dr C/raxmaan Maxamed Aadan casharo la xariira sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada iyo deegaanka iyo haddii aan la ilaalin dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalan karta

Ma ahan markii u horeeysay ee ay Hay’adda Daryeel oo kaashaneeysa Ururka maxaligaa ee SOSDA ay siminaaro iyo tababaro ku aadan caafimaadka waxbarashada qatarta burcad badeednimada iyo sida looga faa’ideeysan karo khayraadka Badda u qabtaan Bulshada ku nool deegaanada Dowlad Gobaleedka Galmudug u qabtaan

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5)

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland oo la kulmay xubnaha Aqalka Sare u metelaya “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Hirshabeelle ku bogaadiyay inay xaliyaan tabashooyinka bulshada

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Hirshabeelle ku bogaadiyay inay xaliyaan tabashooyinka bulshada

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 7-aad...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha...

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In