Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo manta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug in si sharuud la’an ah ay ku joojiyaan dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug .
Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan uu dagaalka dhexmaro maamulada Puntland iyo Galmudug xilli dalkeena uu ku jiro marxaladda doorasho oo ay suurta gal tahay in dagaalkaasi uu saamayn ku yeesho , dhawaana la isku keeni doono Madaxda labada Maamul si loo dhameeyo colaada Gaalkacyo ka Jirta.
Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa safar lagu dhamaynayo dagaalka Gaalkacyo ku tagey magaalooyinka Garoowe iyo Cadaado, isagoo kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta labada maamul oo uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa waxkasta oo sababay gacan ka hadalka.