Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay inay guddi u direen goobihii ay baneeyeen ciidanka Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 29, 2016
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay inay guddi u direen goobihii ay baneeyeen ciidanka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gabogabo ah ay marayso dhameeystirka xubnaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeele Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaan wada tashiyo ku aadan dhameeystirka howlaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dowlad Gobolleedka si looga qeyb geliyo dhamaan bulshada deegaanada maamulkaasi ka soo jeedda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025

“Wadatashiyo ayaa socda oo ku aadan sidii loo soo dhameeystiri lahaa xubnaha guddiyada Baarlamaanka iyo Wasiirada dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, waxaana dhowaan loo tartami doonaa xubnaha u sharaxan aqalka sare ee dalka” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

Mudane Sheekh Cismaan Barre ayaa tilmaamay in guddi qiimeyn ay u direen deegaannadii dhawaana ay ka baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Ethiopia.

“Wadatashi kadib Maamulka Hirshabeelle waxa uu u diray Guddi ay kamid yihiin saraakiil amni oo soo qiimeeya xaaladda deegaannada ay ka baxeen ciidamada, waxaan soo dhoweeynayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga Diini” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cusmaan Bare Maxamed.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kusoo beegmay Xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in ay ka jawaabto difaaca iyo dib u xoreeynta deegaannadii ay dhowaan ka baxeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo u badan deegaanno kuyaala Hiiraan halkaasi oo maleeshiyada arxanka daran ay ku dhibaateeynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In