Ardayda cusub ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum waxaa kusoo dhaweeyay uqayb-sanaha Xafiiska Hidaha iyo Tacliinta ee Safaaradda Soomaalida ee dalka Suudaan Dr Cabdiqaadir Maxamuud Guulane iyo Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo markii ay soo gaareen Khartuum kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dufcadani ay tahay tii 8aad ee ay Wasaaradda Waxbarashad Soomaaliya keento dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.
Sidoo kale Uqaybsaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Dr C/qaadir Maxamuud Guulane oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ardayda soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 137 arday, kuwaa oo ku guuleystay deeqda waxbarasho ee sanadkan dowlada Soomaaliya ka heshay dalka Suudaan.
Uqaybsanaha Waxbarashada safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan Dr Cabdiqaadir Guulane ayaa kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala dalka ay Martida ku yihiin ee suudaan.
Qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho heshay ayaa aad ugu mahadnaqay boqolaalkii Arday iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda ee sida diiran usoo dhaweeyay dareesiiyayna in walaalo ay ku leeyihiin gudaha Dalka Suudaan.
Wariye Maxamed Cabdiqaadir Socdaal