Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 19, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 19 November 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashooyinka Golaha Shacabka oo ka bilowday HirShabelle, Hannaanka Doorashooyinka beelaha Gobollada Waqooyi oo la soo saaray, Guddi dhaqangeliya heshiiskii Gaalkacyo oo la magacaabay, Ciidanka Dowladda oo la wareegey deegaanka Ceel Garas, Ciidanka oo Howlgal lagu sugayo amniga ka wada Gobolka Sh/Hoose, Dowlada oo dar-dargelineysa Qorshaha Horumarinta Qaran ee dalka, Ciidanka XDS iyo AMISOM oo la wareegey deegaanka Miir-Taqwa, Wakaaladaha Wararka ee Soomaaliya (SONNA) iyo Pakistan (PPI) oo Heshiis kala saxiixday, Ciidanka Asluubta oo tababaro aqoon kororsi loo furay iyo Jabuuti Airlines oo duulimaadkeeda Soomaaliya bilowday.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

Doorashooyinka Golaha Shacabka oo ka bilowday HirShabelle

Wajiga koowaad ee doorashada Aqalka Hoose ayaa 16kii November 2016 si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka HirShabelle. Xildhibaanada kala ah Cabdirisaaq Omar, Khadiija Maxamed Diiriye, Maxamed Xasan Qoono, Faarax Cabdulqaadir, Cali Maxamed Cumar ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii la doortay 16kii November 2016, iyadoo lagu wado in tartanka xildhibaanada kalena ay u hirgalaan sidii loo qorsheeyey. Waxaana si xowli ah uga socda Garoowe, Cadaado, Baydhabo iyo Kismaayo doorashooyinka xildhibaanada, iyadoo la rajeynayo in Muqdisho ay ka bilaabato doorashooyinka xildhibaanada gobollada Waqooyi ee dalka.

Hannaanka Doorashooyinka beelaha Gobollada Waqooyi oo la soo saaray

Shir socday 12 – 14kii November oo Odayaasha, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowlada Federaalka ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi oo uga socday Muqdisho ayay ku shaaciyeen ianay ka qayb qaadan doonaan doorashada Dadban ee Dalka iskuna raacay hannaanka doorashada oo ka dhaceysa Muqdisho. Waxgaradkan ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Guddiga doorashooyinka dadban in ay dadejiyaan doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka ka soo galaya Gobollada ay Matalaan maaddaama uu wakhtigu yahay gabagabo.

Guddi dhaqangeliya heshiiskii Gaalkacyo oo la magacaabay

14kii November 2016 ayaa kulan lagu ansixinayay guddiga lagu qabtay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaaladda Galkacayo, waxaa ka qaybgalay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shama’arke, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, madaxweynaha GalMudug C/kariim Guuleed, guddoomiyayaasha gobolka Mudug ee labada dhinac, Saraakiisha ciidamadda iyo odoyaasha dhaqanka. Labada madaxweyne waxay magacaabeen guddi isku dhaf ah oo ka kooban 18 xubnood, kaasi oo ka shaqayn doona nabadaynta iyo ilaalinta xabadjoojinta dagaalka Galkacayo. Guddigan ayaa bilaabay in ciidamada lakala qaado oo Ra’iisul Wasaaraha, labada Madaxweyne ee Puntland & GalMudug iyo mas’uuliyiin kale ay booqdeen furinta dagaalka 18kii November 2016. Guddigan ayaa shaqadiisu noqon doontaa nabadaynta iyo ilaalinta xabad joojintii lagu dhawaaqay, waxayna qiimayn ku sameynayaan sida ugu wanaagsan ee loogu gudbi karo xasilooni iyo nabad gelyo waarta oo ka dhacda gobolka Mudug.

Ciidanka Dowladda oo la wareegey deegaanka Ceel Garas

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceel Garas ee gobalka Bakool. Deegaankaan ayaa ka mid ah deegaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka Itoobiya, isla markaana ay la wareegeen maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay ka war heleen in ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin deegaankaas ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaanka taasina ay keentay inay si nabad ah ay kula wareegaan.

Ciidanka oo Howlgal lagu sugayo amniga ka wada Gobolka Sh/Hoose

Howlgal lagu sugayo amniga ayaa in mudo ah ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay ka sameyen degaanka Ceel-Abakar oo 15 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Baraawe. Ujeedada howlgalkan ayaa ahaa in lagu baacsanayay maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisda ah ee Al-Shabaab. Deegaanka Ceel-Abakar ayaa maleeshiyada argagaxisada ah waxa ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deeganka. Shacabka ayaa u mahad celiyeen ciidanka xogga dalka Soomaaliyed iyo mamulka gobolka waxayna sheegeen in Al- Shabaab ay dhac iyo boob ku hayeen. Taliyaha ururka 1-aad guutada 3xaad ee Ciidan XDS Gaashaanle Cali Dagaaal Xirsi ayaa sheegay in ciidanka XDS ay gaareen degmada Sablaale halkaana ay ku dileen tiro maleshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowlada oo dar-dargelineysa Qorshaha Horumarinta Qaran ee dalka

R/wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa 11kii November 2016 shir gudoominayay kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay dowladda iyo hey’adaha caalamka oo uu hogaaminayay Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Mudane Carte ayaa sheegay in Xukuumadda ay waqti badan ku bixisay diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. RW Ku-Xigeenka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ka qeyb qaatay diyaarinta QHQ oo uu ku tilmaamay guul weyn oo ay dowladda soo socota ka dhaxli doonta Xukuumadda hada jirta.

Ciidanka XDS iyo AMISOM oo la wareegey deegaanka Miir-Taqwa

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa 15kii November 2016 la wareegay degaanka Miir-Taqwa oo hoos tagta Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ayaa gudaha u galay magaalada, waxanay halkaasi ka wadaan Baaritaanno lagu xaqiijinaya ammaanka. Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay ku raad joogaan Malleeshiyaadkii ku sugnaa Tuulada Miir-Taqwa oo dhanka Bari ugu baxeen degaanka markii ay soo kulaaleen Ciidamada is Garabsanaya.

Wakaaladaha Wararka ee Soomaaliya (SONNA) iyo Pakistan (PPI) oo Heshiis kala saxiixday

Agaasimayaasha Wakaaladaha Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Alcadaala iyo tan Dalka Bakistan ee Pakistan Press International (PPI) Owais Aslam Ali ayaa ku kala saxiixday heshiis Xaruunta shirarka ee Xaydar Aliyev ee Magaalada Baku ee Wadanka Azerbejan. Hesheeskaasi ayaa waxa uu dhigayaa in ay labada Wakaaladood ay yeeshaan xiriir toos ah oo ku saabsan is dhaafsiga Wararka, Warbixinada, sawirada iyo khibradaha Warfaafineed ee ka dhaxeeya labada Dal. Heshiiska ay wada gaareen labada Wakaaladood ayaa waxaa kaloo ku jira in Wakaaladda SONNA warkeeda iyo sawiradeeda la gaarsiin doono in ka badan 300 oo Wakaaladood iyo Warbaahino kale oo aduunka ah, maadama ay Wakaaladda PPI ay heshiis wax wada qeybsi la leedahay Wakaaladahaasi.

Ciidanka Asluubta oo tababaro aqoon kororsi loo furay

Siminaar lagu baranayey Hab-dhaqanka ugu fiican ka hortaga addeegsiga Xoogga baarida jirka iyo xiritaanka Dadka ayaa 16kii November 2016 loo furay saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana bixinaya siminaarkan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeeyrta Cas oo loo soo gaabiyo (ICRC) oo kaashanaya Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Siminaarka ayaa waxaa furay Taliye ku xiggeenka Koobaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto Cabdikariin Cali Afrax, oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta S/Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guuto Sulub Axmed Firin, waxaana saraakiisha Ciidanka Asluubta ka tirsan ee siminaarka loo furay ay kula dardaarmeen in ay ka faa’iideystaan casharada labarayo.

Jabuuti Airlines oo duulimaadkeeda Soomaaliya bilowday

Shirkadda Diyaaraddaha ee Jabuuti Airlines ayaa muddo 25 sano kadib soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho 15kii November 2016. Diyaaradda ayaa duullimaad toos ah waxay ugu billowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, iyadoo ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Soomaaliyeed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah. Jabuuti Airlines ayaa ka mid noqonaysa Shirkado duullimaad oo heer Caalami ah.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

 

Previous Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo xalay laga fuliyay isgoysyada Muqdisho

Next Post

Dowladda Britain oo safiir cusub usoo Magacaowday Soomaaliya

Next Post
Dowladda Britain oo safiir cusub usoo Magacaowday Soomaaliya

Dowladda Britain oo safiir cusub usoo Magacaowday Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In