Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo xalay laga fuliyay degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tiro Al-shabaab ka tirsan oo lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan ciidamada amniga ay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka banaadir ayaa ahaa mid lagu xoojinayay amniga caasimadda, iyadoo ciidamada ay baarayeen xaafaha degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka banaadir, halkaas oo lagu so qabtay qabtay tiro dad ah, kuwaasi oo ciidamada ay isugu keeneen goobo cayiman oo lagu kala saarayay, waxaana ay ciidamada xabsiyada u taxaabeen tiro dad ah oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen dhagarqabayasha Shabaab iyo kuwa kale oo lagu soobatay waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir oo uu wehliyo Taliyaha qeybta Waliyow Cadde iyo saraakiil kale ayaa intii uu socday howlgalada waxa ay ku dhex lugeynayeen xaafadaha labada degmo, kuwaasi oo ujeedkooda ahaa soo indho indheyn sida ay u socoto howlgalka sida wada jirka ah ay u fulinayeen ciidamada amniga.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Taliyaha qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay howglalka ay ciidamada ka fuliyeen xaafadaha degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab oo uu xusay inay tahay mid ammaanka lagu adkeynayo.

Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa dhankiisa tilmaamay in howlgaladan ay ka duwanyihiin howlgalladii hore ee ay ciidamadu sameyn jireen, isagoo xusay in lagu soo qabtay ku dhawaad 20 qof oo looga shakinyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab, ayna u gudbin doonaan laamaha dambi baarista qaabilsan.

Howlgalada amniga lagu xoojinayo ayaa qeyb ka ah sidii loo sugi lahaa Nabad gelyada guud ee Caasimadda.

Previous Post

Madaweynaha oo ka digay in ciidamo hubeysan lala galo goobaha doorashooyinka

Next Post

Guddiga doorashooyinka iyo guddi amniga doorashooyinka oo tegay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga doorashooyinka iyo guddi amniga doorashooyinka oo tegay Jowhar “SAWIRRO”

Guddiga doorashooyinka iyo guddi amniga doorashooyinka oo tegay Jowhar "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In