Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Wefdigaan waxaa qayb ka ahaa guddoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Saahir Nuur, Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish, Wasiirka arrimaha haweenka Jubbaland Qamar Deeq khalif waxaa dhanka kale weftigan qayb ka ahaa labo sargaal oo ka tirsan hay’adda UNHCR xafiskeeda Soomaaliya.

Wefdigaan ayaa kulan kula qatay xafiska hay’ada UNHCR xerada qaxootiga ee Xagardheer gudoomiyaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ugu horeyn Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwish ayaa la hadlay guddiga qaxootiga, wuxuuna sheegay in sababta ay u hakiyeen qaxootiga ay tahay in ay doonayaan xuquuq ay helaan dadka soo laabanaya.
Axmed Daahir Gudoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo isna la hadlay guddiga qaxootiga ayaa yira cid kasta oo Soomaaliyeed oo dooneysa Soomaaliya in ay ku soo noqoto waa u xor cid laga hor istaagayo ma jirto, dowladuna way gacan qabaneysaa, waxuu intaas ku daray in guddiga uu guddoomiyaha u yahay ay wadan dadaal dheer oo ay wax ugu qabanayaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar ka mid ah qaxootiga ayaa u mahadceliyay mas’uuliyyinta dowladd,a iyagoo yira waan ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed sida uu u garab taaganyahay qaxootiga Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan iyo Qunsul Cali Sheekh Maxamed(Cali bagadi) ayay tilmaameen inay markasta garab qabtaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii in ka badan 30,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ayaa mudooyinka ugu dambeeyay si iskood ah ugu laabtay Soomaaliya gar ahaan gobolada Jubooyinka, Gedo, Baay,Bakool iyo weliba gobolka Banaadir halka xiligan in ka badan 28,000 u diiwaangashan yihiin in si iskood ah ugu laabtan Soomaaliya

20161121_15385820161121_15390120161121_153903img-20161121-wa0002img-20161121-wa0003

by:Axmednuur Maxamed Cabdullahi(Yogol) Radio Muqdisho

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
Previous Post

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Next Post
Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In