Dhismaha Jaamacadda Galgaduud University ayaa laga bilaabay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaana wada jir u dhisaya bulshada Caabudwaaq oo gacan ka helaya qurba joogta Soomaaliyeed
Jaamacaddan oo markii ugu horaysay laga aas aasay degmada sanadkii 2014. Ayaa ku shaqa bilowday guro gaar loo leeyahay oo loo dhistay deegaan waxaana markii ay kordheen tirada ardada iyo kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda la dareemay ciriiri dhinaca fasalada ay fariistaan ardayda.
Mamulka Jaamacadda oo kaashanaya Bulshada ayaa ku guulaystay inay Jaamacadda u helaan boos u gaar ah oo ku filan si jaamacada ay u fuliso baaahiyaha loo qabo dhinaca waxbarashada
Shiikh Daauud Xirsi Siyaad oo kamid ah Culumada ayaa soo dhaweeyay is badalka dhinaca horumarkaa oo ay sameysay Jaamacadda isaga oo sheegay in Jaamacaddu ay dhistay garaadka dadka aqoonta u baahnaa, isaga oo u mahad ceshay dadka la taagan taageerada Jaamacaddaiyo dhismaheeda socda
Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi waayeel) oo kamdi ah qurba joogtaSoomaaliyeed ee ka soo jeeda Deegaanka oo ku deeqay dhulka laga dhisayo Jaamacadda ayaa sidoo kale maanta ku deeqay boqol kaariko ama lowr oo dhagax ah oo uu oga qayb qaadanayo dhismaha Jaamacadda
Guddoomiyaha Guddiga Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq Cabduqaadir Dheere oo kamid ah dadka u taagan Horumarinta Jaamacadda Galgaduud Unuiversity ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guulaha dhanka Horumarka oo ay gaartay Jaamacadda Galgaduud.
Ugu Dambayn Maxamuud Dirir oo ah Maamulaha Jaamacadda Galgaduud University ayaa uga mahadceliyay dadka ka qayb qaadanaya iyo kuwa gacanta ka gaysatay dhismaha iyo horumarinta Jaamacadda Galgaduud University
C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq/Soomaaliya