Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka oo bogaadiyey doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Muqdisho ka billowday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 7, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Guddiyada Doorashooyinka Dadban, Madaxda Dhaqanka Gobollada Woqooyi , Ergooyinka Gobollada Woqooyi doorashada Golaha Shacabka oo maalintii shalay ka billowday magaalada Muqdisho.

“Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka billowday ee Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida dhammaan Ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan Tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wada-jir ah ugu diyaarsan horu-socod iyo u bislaashiyaha dowladnimada iyo raadinta midnimada Qarannimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya , wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo ku guuleystay in doorashooyinka Golaha Shacabka in ay qabsoomaan in ka badan intooda badan.

Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha Gobollada Woqooyi , Guddiyada Doorahsooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Kan Gobollada Woqooyi inay xaqiijiyaan doorka qoondada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Madaxweynaha ayaa ka digaya fara-gelin lagu sameeyo guddiyada badaxa banaan ee Doorashooyinka Dadban, wuxuuna ku baaqayaa inla ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horrey loogu heshiiyey lagana fogaado wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanaya Shacabka, ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in la soo gaaro maanta, in heer gaba-gaba ah ay marayaan Doorashooyinka Dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Previous Post

Puntland oo ciidamo dhinaca Badda ka gala u dirtay degmada Qandala

Next Post

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha gobollada Waqooyi oo ka bilaabanaysa Muqdisho

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha gobollada Waqooyi oo ka bilaabanaysa Muqdisho

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In