Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray ciidamada Puntland ee howlgallada ka fuliyey degmada Qandala islamarkaana gacanta ku dhigay degmadaasi, isagoo booqday goroonka diyaaradaha ee magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga bada ee degmada Qandala.
Madaxweynaha Puntland ayaa ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacidda dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dedaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulaya.
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Qandala oo ay ugu danbaysey goor la isticmaalo xiligii Dawladda dhexe ee Soomaaliya, geesta kale waxa uu kormeeray khooriga Qandala oo isna aan saa uga fogeyn magaalada.
“Waxaanu taaganahay xeebta magaalada Qandala ee aadka u quruxda badan, qiimaha badan, barwaaqada ah, magaaladani waa magaladii cadawga laga xoreeyey waxbadan oo dhibana waa ay ka geysteen, hay’adihii dawliga ahaa wixii yiiley waa qateen waxna waa jejebiyeen, dadkii shacabka ahaa guryohoodii bay bililiqaysteen, taas bedelkeedana waxa ay ka heleen ciidamadeena geesiyaasha ah, waxaan aad ugu mahad naqayaa dadka reer Qandala sida wanaagsan ay noosoo dhoweeyeen sida ay u garab istageen ciidamada difaaaca Puntland, ciidamada Puntland dhamaantood waan bogaadinaya waana u mahad naqayaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.
Saraakiisha ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaamada hoos yimaada ayaa dhankooda soo bandhigay saanad milateri oo ay ka qabsadeen argagixisada Daacish.