Wafigaan uu horkaya Xogahayaha joogtada Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS Mudane Abuukar Maxamed Daahiye iyo Ruugta Ganacsiga Soomaliya iyo Ganacsato Soomaliyeed ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaradda Ganacsiga iyo Canshuuraha ee dalka Turkiga
Waxaane goob joog ka ahaa kulankaasi sii hayaha Safaaradda Soomaliya ee Dalka Turkiga Cabdulqaadir Maxamed Nur iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safarada Soomaliya ee Dalka Turkiga Yusuf Axmed Xasan Jeego.
Kulanka ayaa waxey ugu wada hadleen labada mas’uul sidii layskaga kaashan lahaa horumarinta Ganacsiga ee labada dowladood iyo inay Soomaliya ay ka go’antahay inay wax la qabsadaan walalahooda Turkiga.
Iyado dhinac Xogahayaha soo dhaweeyay dhamaan codsiyada walalahooda Soomaliyeed ayna diyaar u yihiin inay kaalin buuxda ka qaatan dhamaan dhaqdhaqaaqyada ka jira dalka Soomaliya
Waxaa uu balan Qaaday inay horumar xaga xirfadooda aqooneed sare looga qaadayo ay u sameyn doonaan shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya isla markaana ay ka go’anatahay inay Soomaaliya maalgashi dhankasta leh ku sameytaan.
Sido kale wafdigaan Inta ay ku guda jireen booqasha Xarunta Wasaaradda ganacsiga iyo Canshuuraha dalka Turkiga ayaa waxaa kaloo Kulan muhiim ah ay la qaateen agaaimayaasha Wasaaradda ganacsiga iyo Canshuuraha dalka Turkiga iyo ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Wasaradda Ganacsiga iyo Canshuuraha dalka Turkiga, ayadoo warbixino muhiim ah la is dhaafsaday labada dhinac Soomaliya iyo Turkiga
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laysku afgartay dhamaan qodabadii laga wada hadlay inay ay wada saxiixaan xogahayaha joogtada ee Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya iyo kuxigeenka Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Ganacsiga iyo Canshuuraha dalka Turkiga waxayne Qodobadaas ka Koobnaayen ilaa iyo lix qodob.
Sido kale Waxaa casho sharaf loo sameyay Wafdgii uu horkacayay Xoghayaha joogtada iyado cashadaasi goobjoog ka ahayeen ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Wasarada Ganacsiga Dalka Turkiga iyo Agaaimayaasha Wasaarda inta ay socotay Casha ayaa waxaa laysku soo qaaday in qaybaha Ugu muhiimsan ee ganacsiga ka jira dalka Soomaliya maalgashi dhaw ay ku sameysan doonaan ganacsatada Turkiga ah iyo dhamaan Ruugaga ganacsi ee ka jira dalka Soomaliya.
Ugu danbeyntii Xoghayaha Joogtada ayaa ka codsaday in loo fududeeyo ganacsatada Soomaaliyeed inay ka furtaan dalka Turkiga Maqayado, Hotelo iyo waxii lamid ah. waxaa kaloo uu ka codsaday intii lagu guda jiray Cashadii sida ay ganacsada Soomaaliyeed Wax Uga dhoofsaan lahayeen dalka Turkiga iyo in sidaas si lamid ah ay wax uga soo dhoofsadaan ganacsatada Turkiga Soomaaliya, iyadoo Mudane Abuukar Maxamed uu xaqiijiyay inuu leeyahay dalka Soomaaliya kheyraad Farahabadan loona bahanyahay in laga faa’ideesto khayraadkas.
Yuusuf Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)