Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka howlaha guud oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 26, 2017
in Wararka
0
Wasiirka howlaha guud oo lagu wareegayay qalab xafiiseed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

ENG SAALAX

Kormeerka uu maanta ku tegay dhismaha cusub ee Wasaaradda caafimaadka dalka oo ku yaala agagaarka  KM0 Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan ayaa waxaa uu ugu kuur galayay bilicda dhismahaasi oo hadda heer gaba gaba ah maraya .

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Dhismaha xarunta cusub ee loo dhisay Wasaaradda caafimaadka oo qaab casri ah loo dhisay ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay dowladda Sweden, iyadoo ay dhismahaan quruxda badan dhiseen Engineero  Soomaali ah, waxaana uu Wasiirku ku amaanay sida waqtiga kooban ay dhismahaan ku soo dhameeyeen.

Eng Saalax Sheekh Cusmaan Wasiirka howlaha guud oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay goobtaas kormeerka kaddib ayaa waxaa uu bogaadiyay Injineerada dhisay xaruntaan iyo cid walba oo gacan ka geysatay .

“Muddo sideed bilood ah ayay qaadatay in dhismahaan quruxda badan lagu dhameystiro runtii waxaan u mahad celinayaa dowladda Sweden oo gacan naga siisay dhismahaan, waxaa ka go’an Wasaaradeyda soo celinta bilicda dalka” ayuu yiri Eng Saalax.

Dhismaha kan dabaqa ah ayaa waxaa uu kaga duwan yahay dhismayaasha kale in loo sameeyay irdo ay ka galaan dadka naafada ah oo horay dhowr  jeer u codsaday in dhismayaasha dheer dheer loo sameeyo meelo ay ka gali karaan Wasiirka Saalax ayaana mar kale uga mahad celiyay Injineerada talaabadaasi sameeyay.

“Sida aad u jeedaan dhismahaan waxaa loo sameeyay irdaha ay ka geli karaan dadka cuuryaamiinta ah  horay uma jirin hadda ka dibna Wasaaradu waxa ay ka shaqeyn doontaa in dhisme kasta oo la dhisayo loo sameeyo, waa muhiim arintaani waana ku amaanayaa Injineerada garbaheyga taan ee dhisay xaruntaan” ayuu mar kale yiri Eng Saalax.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cismaan ayaa waxa uu horay ugu guuleystay in uu dhiso xaruntii Wasaaradda howlaha guud, iyadoo uu gacan ka helay bulshada Soomaaliyeed tani waxaa ay noqoneysaa Wasaaradii sadaxaad ee la dhiso inta uu xilka hayo.

 

 

Previous Post

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Marxuum Malaaq Malabow oo lagu aasay duleedka magaalada Baydhabo

Next Post
Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Axmed oo loo sameeyay aas Qaran

Marxuum Malaaq Malabow oo lagu aasay duleedka magaalada Baydhabo

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In