Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay waxaa manta Aas Qaran loogu sameeyey Malaaq Malabow oo kamid ahaa odoyaasha Dhaqanka Koonfur galbeed oo kamid ahaa Dadkii kudhintay weerarkii Hoteel Dayax ee Magaalada Muqdisho
Malaaq Malabaw Malaaq Isxaaq Xasan Keeyraw waxaa uu kamid ahaa odoyaasha Dhaqanka KG Waxaa sidookale uu Kamid ahaa 135 tii Saxiixiyaasha , da ahaan waxaa uu jiray 84 Sano 50 kamid ah waxaa uu ahaa Hogaamiye Dhaqameed, waxaana uu ka dhaxalay Abihiisa Malaaq isxaaq Xasan Keyraw oo ahaa malaaq si weyn looga qadariyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya
Alaha Unaxariste Malaaq Malabaw iyo Malaaq C/rashiid Sheekh Cabdi Salaan oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka Golaha Malaaqyada Koonfur galbeed waxay kamid ahaayeen Dadkii ku nafwaayey weerarkii ka dhacay Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo sidookale Dhawacyo Culus ay Kasoogaareen malaaqyo kale oo iyaguna hoteelka deganaa
Waxaana manta magaalada Baydhabo ee Xaruunta G/bay la soogaarsiiyey islamarkaasina aas Qara looga sameeyey malaaq malabow Malaaq isxaaq Xasan Keeraw oo Xamar ay ka soo qaadeey Xildhabaan katirsan Dawladda Federaalka ah
Malaaqa oo lagu aasay Qabuuro Kuyaala Duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa aaskiisa ka soo qeybgaley Kusimaha Madaxweynaha Koonfur galbeed Maxamed Xasan Fiqi ,Gudoomiyaha Baarlamanka KG C/Qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro iyo shacab aad utiro badan
Mas’uuliyiintii Xasoo qeybgaley aaska marxuumka oo Goobta kahadlayna waxa ilaahay ugu baryeen in janatul Fardowsa uu kawaraabiyo Markuumka
Malaaqyada Koonfur galbeed oo tira ahaan garayey 42 ayaa todobaadkan Gudihiisa kabaxay ilaa iyo seddax hogaamiye oo kala ahaa malaaq Malabaw Malaaq Isxaaq Xasan Keyrow Malaaq C/rashiid Sheekh Cabdi Salaan iyo waliba Malaaq Cali Barre oo isagu si iskiida ah uga geeriyooday Todobaadkan Gudihiisa Mgaalada Baydhabo