Munasabada tababbar logu furayay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya isla markaana ay ka soo qeybgaleen Taliyah Ciidanka Booliska iyo Sarkiil Ciidan ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho,
Tababbarkan oo loo furay 85 Saraakiil Ciidan oo Boolis ah oo ka dalacay darajadii hore ee ay heysteen, waxaana tababbaraka socon doonaa bilooyin, kaasi oo lagu bixin doono casharo la xiriira waajibaadka ka saaran howlaha ciidan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo furay tababbarka ayaa sheegay in saraakiishan looga baahanyahay inay ka faa’iideystaan fursadda ay iminka heystaan, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doonaan sare u qaadidda aqoonta iyo xirfadda saraakiisha ciidanka booliska.
“Maanta waxa ay taagantahay in tababbar loo furo dad mudo ciidanka Booliska ka tirsanaa oo ka dalacay sarkiil xigeenimada, una dalacay darjada sarkaal marka waxaa idin saaran mas’uuliyadda oo waxaa nigal baahanyahay in aad ka faa’iideysataan casharada aad qaadaneysaa” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska